|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Oo Markii Ugu Horaysay Bilaabaysa Diiwaan-gelinta Shaqaalaha Muwaadiniinta ah Iyo Kuwa Ajaanibka Ah
August 1, 2013 - Written by editorHargaysa(WJN):-Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland ayaa markii ugu horaysay daboolka ka qaaday inay bilaabayso Diiwaan-gelinta Shaqaalaha rayidka ah iyo kuwa Ajaanibka ah, iyadoo ujeedaduna tahay in la ogoodo heerka shaqo la?aantu dalka ka marayso iyo tirada ajaanibka ah ee ka hawl-galla hay?addaha kala duwan.
Hargaysa(WJN):-Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland ayaa markii ugu horaysay daboolka ka qaaday inay bilaabayso Diiwaan-gelinta Shaqaalaha rayidka ah iyo kuwa Ajaanibka ah, iyadoo ujeedaduna tahay in la ogoodo heerka shaqo la?aantu dalka ka marayso iyo tirada ajaanibka ah ee ka hawl-galla hay?addaha kala duwan. Waxa sidaas lagu sheegay War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaah bulshada Somaliland oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay Shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews.co. waana talaabadii ugu horaysay intii Wasaaraddaasi jirtay oo lagu ogaanayo heerka shaqo la?aantu dalka ka joogto iyo tiradda ajaanibka ka hawl-galla Hay?adaha samo-falka u jooga Somaliland.
Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshadu waxa ay sheegtay inay arrintan uga dan leedahay inay marka hore ogaato tirada rasmiga ah ee shaqaalaha rayidka ah ee Somaililand eek a hawl-galla goobaha ganacsi ee kala duwan, sida Wershadaha, Hudheelada, Cusbitaalada, goobaha Waxbarashada ee gaarka loo leeyahay, Hay?daha samo-falka iyo ururrada wadaniga ah. Waxa sidoo kale Qoraalkaas lagu sheegay inay talaabadani fududayn doonto in si dhib yar lagu ogoodo Xogta loo baahan yahay ku saabsan Shaqaalaha rayidka ah, iyadoo markaas ay soo baxayso heerka ay marayso shaqo la?aantu iyo markaas kadib si tartiib ah loo bilaabi karo shaqo abuurka Muwaadiniinta, hase yeeshee warkan ka soo baxay Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada laguma sheegin wakhtiga ay hawshan la dhaqaajin doono. Wasaaraddu shaqada iyo arrimaha bulshadu si ay hawshaas u fuliso waxa ay War-gelin muhiim ah siinayaan dhammaanba loo shaqeeyeyaasha haysta goobaha ganacsi ee dalka sida Wershadaha, Hudheelada, Cusbitaalada, goobaha Waxbarashada ee gaarka loo leeyahay, Isgaadhsiinta, Hay?daha samo-falka iyo ururrada wadaniga ahiba inay diiwaan-geliyaan shaqaalahooda si deg deg ah ayaa lagu yidhi Warkaas. Waxa kale, oo Wasaaraddu nidaamkan diiwaan-gelinta u cuskatay Xeerka shaqaalaha Somaliland xeer Lambar 31/2004: qodobadiisa (3-(2-2.1), oo u ogolaanaya in la diiwaan-geliyo shaqaalaha Muwaadiniinta ah iyo kuwa ajaanibka ah, waxaanay Wasaarradu ka codsatay dhammaanba dhinacyada uu Qoraalkoodani ku socdo inay Kormeerayaasha hawshan u sahlaan sidii ku ogaan lahaayeen in la diiwaan-geliyey Shaqaalaha ku sugan xaruntaada ganacsi.
Wajaale News Desk
Hargeisa Office Related posts:Daawo: Gudoomiyaha Wargayska Haatuf Oo Wax Laga Xumado Ku Tilmaamay Go,aan Ka Soo Baxay Garyaqanka G... DAAWO;-Horyaal24 Tv Oo Qabtay Barnaamij Lagu Falanqaynayo Xadhiga Musharax Shucayb M. Muuse Iyo Cida... Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Jsl Oo Xadhiga Ka Jaray Masaajid Cusub Oo Madaxwaynaha Jsl Aabihii Udhi... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|