WAR DEG DEG AH- Baabuur Ay Wateen Madax dhaqameedyo. Iyo Salaadiin uu hogaaminayo Wasiirka daakhilaga Somaliland Oo Daad Ku Qaaday Dooxa Dacar Budhuq Iyo Salaadiin Raq Iyo Ruux Weli La La Yahay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
WAR DEG DEG AH- Baabuur Ay Wateen Madax dhaqameedyo. Iyo Salaadiin uu hogaaminayo Wasiirka daakhilaga Somaliland Oo Daad Ku Qaaday Dooxa Dacar Budhuq Iyo Salaadiin Raq Iyo Ruux Weli La La Yahay.
August 22, 2013 - Written by editor

 

 

Salaadiinta illaa iyo hada lagu jiro baadi goobkooda ee aan lahayn meel ay jaam iyo cidhib dhigeen

Wajaale-(WJN)- Madax dhaqameedyo. Iyo Salaadiin  uu hogaaminayo Wasiirka daakhilaga Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran Cade oo u sii jeeday deegaanada OOG oo ka tirsan Gobalka Saraar, una socday inay soo xaliyaan dagaalo deeganadaa ku dhex maray laba beelood oo wallaalo ah oo Somaliland ka tirsan oo dhimasho iyo dhaawac ka dhashay ayaa lagu soo waramayaa in baabuurtii ay wateen qaar ka mid ah uu si lama filaan ah u qaaday daad xoog leh oo ka soo rogmaday Dacar Budhuq.

Wasiirka Daakhiliga oo ku sugan Dooxa

Dacar Budhuq,  ayaa sheegay goor dhawayd in Salaadiintan  iyo madax dhaqameedyadan oo ay ka mid ahaayeen, Suldaan Yuusuf Ducaale, Suldaan Bare Warsame Shire, Suldaan Carab  Iyo Gudoomiyaha Hay adda Tayaynta Somaliland Cali Biikalo iyo xubno kale oo la socday  uu daadku qaaday baabuurtii ay wateen, isla markaana la soo badbaadiyay dhamaan xubnihii uu ka koobnaa waftigani, balse ilaa hada welii la la? yahay meel uu jaan iyo cidhib dhigay Suldaan Bare Warsame Shire oo ilaa xalay lagu jiray baadi doonkiisa, sidoo kalena dhamaan xubnihii waftigan ee ka badbaaday daadkani ay weli ku xuniban yihiin Dooxxa Dacar Budhuq

WIXII WARAR AH EE KA SOO KORDHA DHACDADAN KALA SOCO WAJAALENEWS, SAACADAHA SOO SOCDA

WAJAALE NEWS DESK

Contact Us : Wajalenews@gmail.com

 

 

COMMENTS
LINKS