|
|||||
WAJAALE NEWS
Wafti Wasiiro Xukuumada ah oo Lix Saacadood Ku Xanibnaa ;Laanta Socdaalka Dalka Itoobiya ee Tog-Wajaale Somalilandna Usoo Jiidey Sumcad Xumo Kadib markii ay Fiisa La,aan Ku Doonayeen In ay Ku Galaan Itoobiya.
August 9, 2013 - Written by editorWafti Wasiiro ah Magaalada Jigjiga ee Xarunta Kililka Shanaad mudo lix saacadood ahKu Xanibnaa Waxaana lasii daayay markii Dowlada Federaalka Itoobiya ogolaatey Codsigaasi oo ku beegneyd laba iyo tobankii habeenimo iyo Dheeraad. Wajaale(WJN)-Wafti ka Koobnaa Wasiiro Xukuumada Somaliland ah oo uu Hogaaminayay, Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland C/laahi Maxamed Daahir(Cukuse), iyo Wasiirada Caafimaadka, Boosha iyo Isgaadhsiinta, Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Ganacsiga Bashiir Xariir iyo Agaasimyaasha Guud ee Wasaaradaha Kaluunka iyo Arimaha Dibada, oo usocdey Martiqaad ay ka heleen Madexweynaha Kililka Shanaad ayaa Lix Saacadood ku Xanibnaa Xafiiska Laanta Socdaalka ee Magaalada Tog-Wajaale kadib markii ay habeen hore socdaal bilaa qorshe ah kaga soo amababxeen Magaalada Hargeysa taas, oo aanay habyaraatee soo marin nidaamka Sharciga Safaarada ee lagu diiwaangalinayay Baasabooradooda iyo Gaadiidkoodaba. Madexweynaha Kililka Shanaad ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Cumar (Cabdi-Iley), ayaa usoo direy Ciidamo katirsan kililka Shanaad iyo qaar kamid ah Wasiirada Dowlada Deegaanka Soomaalida si ay Masuuliyiinta Waftiga Wasiirada Somaliland uga sii daayaan Xafiiska Socdaalka dalka Itoobiya ee Tog-Wajaale haseyeeshee, Saraakiisha Laanta Socdaalka Itoobiya gaashaanka ayay u daruureen arintaasi iyagoo ku wargaliyay Maamulka Kililka Shanaad in loo baahan yahey in sifo sharci ah lagu galo dalka Itoobiya Islamarkaana, Somaliland iyo Itoobiya uu ka dhexeeyo qawaaniin iyo Shuruuc ay labada dal iskugu gudbi karaan Islamarkaana, sharaf u ah isu socodka Masuuliyiinta taas, oo lasoo maro sida sharcigu yahey Safaarada Gudaha Somaliland kuleh Xafiiska, Waxaana adkaatey in damaanadooda ay qaadaan Maamulka Kililka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya. Inkastoo ay aheyd markii la Xanibey abaara Shantii iyo badhkii galabnimo, oo Waftigaa uu hogaaminayay C/laahi Cakuse Wasiirka Warfaafinta Somaliland Waxey kusugnaayeen halkaasi Xafiiska Laanta Socdaalka Itoobiya ee Dhinaca Daanta Itoobiya Tog-Wajaale, waxaanay arintaasi qaadatey intii Maamulka Kililka Shanaad la hadlayay Dowlada Federaalka Itoobiya oo ay ka Codsadeen in Sharci La,aan lagu sii daayo Waftigaasi maadama ay kala Qeyb galayaan Munaasibada Ciidal-Fidriga Magaalada Jigjiga ee Xarunta Kililka Shanaad mudo lix saacadood ah Waxaana lasii daayay markii Dowlada Federaalka Itoobiya ogolaatey Codsigaasi oo ku beegneyd laba iyo tobankii habeenimo iyo Dheeraad.
waxa arintan aad ula yaabey Saraakiisha Fedraalka dalka Itoobiya ee kusugan Xafiiska Laanta Socdaalka iyo Kastmka Weyn ee Tog-Wajaale gaar ahaan Xarunta Finaasiga Waxaanay ku sheegeen talaabadan in ay tahey mid sharaf dhac iyo karaamo jab ku ah hanaanka Dowladnimo ee Somaliland, Waxaanay Wararku sheegeen in Waftigan hada ku Sugan Magaalada Jigjiga ay soo celinayaan Maamulka Kililka Shanaad ee Ismaamulka Itoobiya, oo damaanad ahaan lagu raaciyay amarkii dambe ee habeen hore habeenimadii khamiistu soo galeysey ay codsi ahaan kaga adeeceen Maamulka Kililka shanaad Dowlada federaalka Itoobiya, iyadoo Socodka noocani noqonayo mid aan waafaqsaneyn Sifaha sharciga ah ee haybada Dowladnimo dee Somaliland, taas oo aanay jirin in loo diidan yahey Xidhiidhka Kililka shanaad haseyeeshee, ay qalqalooc iyo aqoon la,aan tahey nidaamka Socodka Bilaa dharciga ah ee ay isku raaceen intaas oo masuul oo matelaya Qaran iyo dowlad dhan.
Xubnaha Wasiirada Waftigan uu Hogaaminayay Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir(Cakuse), iyo Agaasimayaasha ayaa lagu tiriyaa in ay isku qabaan ama aaminasan yihiin in yihiin garabka Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi oo ay is xulufeystaan Xubnahan.
Wajaale News Office Wajaale Office Contact Us: Wajalenews@gmail.com
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|