Wafti Ka Socday Wadamada Midawga Yurub Oo Maanta Soo Gaadhay Magaalada Hargeysa Kulan Muhiim Ahna La Qaatay Wasiirada Qorshaynta, Arimaha Debada Iyo Nuxurkii Wixii Lagaga Hadlay Kulankaas. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wafti Ka Socday Wadamada Midawga Yurub Oo Maanta Soo Gaadhay Magaalada Hargeysa Kulan Muhiim Ahna La Qaatay Wasiirada Qorshaynta, Arimaha Debada Iyo Nuxurkii Wixii Lagaga Hadlay Kulankaas.
August 21, 2013 - Written by editor

Hargeysa(WJN):- wafti balaadhan oo ka socday ururka EU-da eek u bahoobeen wadamada midawga yurub iyo xubno kale oo matalayey safiirada wamada Sweden iYo Denmark ayaa maanta kulan balaadhan kula yeeshay xarunta wasaarada qorshaynta qaranka xubno wasiiro ah oo ka tirsan xukuumada Somaliland.

Hargeysa(WJN):- wafti balaadhan oo ka socday ururka EU-da ee ku bahoobeen wadamada midawga yurub iyo xubno kale oo matalayey safaaradaha  wadamada  Sweden iyo  Denmark ayaa maanta kulan balaadhan kula yeeshay xarunta wasaarada qorshaynta qaranka xubno wasiiro ah oo ka tirsan xukuumada Somaliland.

Markii kulankani dhamaaday ayaa waxa warbaahinta si wada jira ula hadlay wasiirka arimaha debada Somaliland, wasiirka qorshaynta qaranka iyo masuul ka tirsan waftiga midawga yurub eee maanta dalka yimid

Ugu horayn wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Dr.Sacad Cali Shire oo ka hadlay kulanka ay la qaateen waftiga ka socday midawga yurub ayaa waxa uu sheegay in ujeedada safarkoodu tahay sidii ay u  dhagaysan lahaayeen heshiis ka waramaya habka loo caawinayo Somaliland oo xukumadu diyaarisay waxaana wasiirka hadaladisii ka mid ahaa ?Waxa maanta halkan inaagu yimid oo inoo marti ah wafti ka socda EU-da ama wadamada ku bahoobay midawga yurub  iyo xubno ka socda safaaradaha Sweden iyo Denmark iyo xubin ka socota ururkan OCD,Waxay inoogu yimaadeen inay ina dhagaystaan oo inagala qayb galaan heshiis aynu diyaarsanay ama hab laynoo caawinayo oo aynu diyaarsanay kuwaas oo aanu doonayno inay inoo caawiyaan wadamadda midawga yurub,markaa waxaanu  u soo bandhignay waxyaalaha inoo mudan waanay naga dhagaysteen waxaanay ka bixiyeen tafaasiil?

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey ?waa qoraal wali qabyo ah oo wali socda  marka aanu tix galino wixii afkaara ee nala siiyey wiiga soo socda ayaanu rajaynaynaa  inaanu u qaadno magaalada Nairobi oo aanu u soo bandhigno deeq bixiyayaasha, mashruucani waa mid loogu tala galay laba ilaa sadex sano kaas oo la doonayo inaynu ku soo bandhigno sida aynu doonayno in laynoo caawiyo? ayuu yidhi wasiirka qorshaynta qaranku.

Sidoo kale wasiirka arimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo isaguna ka hadlay markii kulanku dhamaaday ayaa sheegay in la dajinayey ajande Somaliland u gaar ah kaas oo la xidhiidha habka loo caawinayo waxaanu yidhi ?ajandahayagu waxa uu ahaa in la sameeyo qorshe gaara oo ku salaysan wadciga wadanka yaala iyo horu marka aanu rajaynayo, waxaanu aad ugu faraxsanahay inay nala garteen inay nala shaqeeyaan oo hawsha qabyada ah nala dhamaystiraan, waxaanu ajandahayagu yahay in   dhaqaale iyo horu mar aynu waydiisano ururka EU-da oo ay wax inala qabtaan? ayuu yidhi wasiirka arimaha debadu.

Sidoo kale Esabel oo ka tirsan waftiga midawga yurub ee maanta soo gaadhay Somaliland oo iyaduna ka hadashay kulankaas ayaa sheegay inay xubnaha wasiirada ah ka wada hadlayeen qorshaha la xidhiidha sidii ay Somaliland u caawin lahaayeen waxaanay tidhi ?beesha caalamka,ururka midawga yurub,baanka aduunka waxay wasaarada qorshaynta qaranka iyo wasiirada kale ka wada doodayeen  ajandaha Somaliland iyo midawga yurub u dhaxeeya ee lagu caawinayo Somaliland, kaas  oo wadamadda midawga yurub la wadaagi doonaan Somaliland?ayey tidhi masuulka ka socday waftiga midawga yurub.

 

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS