|
|||||
WAJAALE NEWS
Waa Xad-gudub qayrul sharci ah talaabada Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ku joogto Taleex Warbixin Ayaan Idiinka Haynaa
August 27, 2013 - Written by Wariye:Taleex(Wajaale News) Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/samad Cali Shire ayaa shalay soo gaadhay magaaladda Taleex oo ah degmo ka tirsan Gobolka Sool ee Somaliland, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay oo horkacayay Hogaamiyihii hore ee Maamul la baxay Khaatumo Axmed Karaash. Weftiga Madaxweyne ku-xigeenka Maamul Goboleed Puntland waxa wehelinaya madax iyo saraakiil kale, waxaana ujeedada safarkooda lala xidhiidhinayaa khilaaf u dhaxeeya Axmed Karaash oo ahaa hogaamiyihii kooxda Khaatumo iyo Hogaamiyaha talada u haya kooxdaasi. wararku waxay sheegayaan Axmed Karaash in uu beryahanba ku sugnaa Puntlanda si uu taageero uga helo, waxaanu soo hor-kacay kadib markii uu ku soo guulaystay Olole iyo siyaasad uu kula dhex dhacay, iyadoo awoodiisa Ciidan marka hore aanay u babac dhigi karayn Maleeshiyada uu haysto Hogaamiyaha Khaatumo ee hada talada haya. Ma jirto wax diidmo ah oo weftigani kala kulmay Maleeshiyada Khaatumo maadaama labada dhinac khilaaf ba’an oo dhinaca maamulka ahi u dhaxeeyay, waxaanay wararku sheegayaan in si diiran loogu soo dhaweeyay. Dhinaca kale, waxa magaaladda taleex durtaba hadheeyay khilaaf u dhaxeeya siyaasiyiinta timid iyo odayaasha magaaladda, waxaanay dhibaato ka taagan tahay kala jiidashada Shir la doonayo in maamul rasmi ah loogu dhiso Khaatumo. Odayaasha Magaaladda oo shalay isugu soo baxay xarunta Madaxtooyadda u ah maamulka Khaatumo oo u muuqday kuwo diidan weftiga Puntland ayaa uga digay cid kasta oo isku dayda in ay shirkaas ka hor timaado in ay la dagaalami doonaan, halka Maayarka magaaladaasi uu sheegay in shirka la filayo in maamul lagu sameeyaa meel fiican u marayo. Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo ka hadlay magaaladda Oog ee Gobolka Sool ayaa digniin u diray Madaxweyne ku-xigeenka Puntland waxaanu faray in uu dib ugu laabto Garoowe Haddii kale Somaliland aanay u dul qaadan doonin joogitaankiisa. “waa xad gudub qayru sharci ah oo uu ku soo xad gudbay xuduuda Somaliland ninka sheeganaya madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland, arintaas waxaanu u aragnaa mid khatar ku ah nabad galyada u dhaxaysa dawlada Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland” Wasiirk arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “waxaanu u sheegaynaa madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland arintaasi inay tahay mid khatar ah, caalamkana waxaanu ugu baaqaynaa in wixii halkaas ka yimaada ay dusha ku qaadan doonaan ninkaas soo xad gudbay iyo ciidamada uu wato, waxaanu imika heegan galinay ciidamada Somaliland wixii halkaas ka yimaadana waxa masuul ka ah ninkaas ku soo xadgudbay xuduuda Somaliland” ayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cade. Ma cada in Xukuumadda Somaliland ilaa hada talaabo qaaday, hase yeeshee Ciidanka Somaliland waxa ay mar walba heegan ugu jireen in ay ka jawaabaan talaabadan oo kale maadaama aanay Somaliland ku gar-daroonayna marba jaararkeeda. Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Farroole ayaa dhawr jeer ku tiraabay in wadahadal u socdo Somaliland, balse talaabadan uu ku joogo maamulkiisu Taleex waxay noqonaysaa mid ka baxsan wadahadaladu dhinaca Amaanka ee ay labada dhinac ka wada shaqayn jireen.
Wajaale News Office Hargeisa/Somalialnd Email:wajalenews@gmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|