Ururkii Suxufiyiinta Madaxa Banaanaa Ma Wuxuu Ka Mid Noqdeen Haayaddaha Dawliga Ah Ee S.L | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ururkii Suxufiyiinta Madaxa Banaanaa Ma Wuxuu Ka Mid Noqdeen Haayaddaha Dawliga Ah Ee S.L
August 20, 2013 - Written by editor
Ururkii Suxufiyiinta Madaxa Banaanaa Ma Wuxuu Ka Mid Noqdeen Haayaddaha Dawliga Ah Ee S.L

 

SOLJA Hadduu Hore U Ahaa Urur U Tagaana Danaha Iyo Ilaalinta Xuquuqdda Saxaafada Madaxa Banaan Ee Somaliland

Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee (SOLJA) Ayaa Qoraal Ay Soo Saareen Ku Hambaleeyn Isla markaana ku Tilmaamayeen in Madaxwaynaha Somaliland Go’aan geesnimo ah ka qaatay Xayiraad ka qaadidii iyo Cafiskii Wargayska HUBAAL Iyo Masuuliyiintiisa Ee Uu Xalay Madaxwaynaha Somaliland U Fidiyey.
abdi azizi slsc
Haddaba Waxaa Is Waydiin Leh Wargayska HUBAAL Ma Sifo Sharci Ah ayaa Lagu Xayiray Masuuliyiintiisuna Xukunku Ugu Dhacay Mise Sharci Daro?
Hambalyadaa Iyo Go’aankaa Geesinimada Leh Ee Ay SOLJA Sheegtay may ahayn mid uu mutaystay Madaxwaynuhu , waayo Hubaal Awal-ba sharci daraa lagu haystay , Muddo Dheer U Xayirnaayeen , Madaxwaynahan Ay Hambalyeeynayaan Ayaana Xaqdaro ku haystay .

Solja oo muddooyinkii u danbeeyay Noqotay mid ka gaabisay Shaqadoodii Isla Markaasna u muuqdday Hayad Warbaahineed Oo Xukuumada Hoos Tagga ,
Waxaynu Soo qaadan doonaa Cabudhinta , Xadhiga Iyo Tacadigii ugu badnaa Ee Loo Gaysto Intii Somaliland Dib Xoriyadeedii Ula Soo noqotay .
Your ads will be inserted here by
Easy AdSense.
Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot OR
Suppress Placement Boxes.
Iyaddoo taasi jirto ayaa Ururka SOLJA Oo ahaa Urur U Taagan Xuquuqdda Saxaafada Madaxa Ba’naan Ee Guud Ahaan Dalkeena JSL , Iyadoo Ay Soo Mareen Maamulo Badan Oo Caadona u ahayd Waddatashiga Iyo Wadda shaqayn ay Ka dhaxaysay Guud Ahaan Suxufiyiinta Ayaa Imika u muuqdda inay meesha ka baxday , Iyaddoo Loo Sababaynaayo Inay Masuuliyiinta Iyo Xubnaha SOLJA Noqdeen Guul-wadayaal , Kuwaas Oo Ku Xidhan Madaxtooyada ,
Muddadii ay xukuumadani jirtay waxaa loo gaystay tacadiyo farabadan oo iskugu Jira Xadhig , Cabudhun , Iyo Xayiraado , Kuwaas oo aanay SOLJA kaba haddal.
Geesta kale War-murtiyeedkani Uu Xambaarsanyahay In Aanay Na Matalin Kooxddaa La Sheegay In Ay La Kulmeen Madaxwayne Siilaanyo
Waxaanu La Socodsiinaynaa Dhamaan Shacbiwaynaha Somaliland In Aanay Jirin Koox Iyo Urur-toona Oo Saxaafada Wadda Matala , Ururkii Soljana Waxuu Gacanta U Galay Koox Yar Oo Danahooda Gaarka Ah Fushadda .

Gabagabo: Waxaanu Baaq U Diraynaa Dhamaan Saxaafada Somaliland In Ay Iskugu Yimaadaan Kulan Ay Kaga Tashanayaan Aayahooda Mustaqbal Maddaama Oo Ururkii Ay Lahaayeen Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Mid U Muuqdda Inuu Meesha Ka Baxay.

Cabdi Casiis Axmed Ismaaciil ( Diyaro) :::: 4817248
Cabdi Raxmaan Maxamed Muuse (Buraale) ::::: 4841097

COMMENTS
LINKS