Ururka VOSOMWO Oo Hargeysa Ku Qabtay Kulan Lagaga Hadlayay Sababihii Keenay In Murashaxiintii Golaha Deegaanka ee Beelaha La Hayb Sooca U Hadheen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ururka VOSOMWO Oo Hargeysa Ku Qabtay Kulan Lagaga Hadlayay Sababihii Keenay In Murashaxiintii Golaha Deegaanka ee Beelaha La Hayb Sooca U Hadheen
August 19, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa (Wajaale News)- Ururka VOSOMWO oo ka mid ah ururadda ka Jira Somaliland ayaa maanta aqoon korodhsi ku saabsan sababihii reebay 27 murashax oo ay beelaha laga tiradda badan yahay u soo sharaxeen Doorashooyinkii Golaha Deegaanka ka furay Hoteel Safari ee Magaaladda Hargeysa.
Aqoon korodhsigan ayaa waxa furitaankiisii kala soo qayb galay Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo arrimaha bulshadda, Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta, Sulaadiin, Cuqaal iyo waliba ka qayb galayaasha Aqoon korodhsigaasi.

Hadal kooban oo ay ugu horeyn furitaankii Aqoon Korodhsigaasi ka soo jeedisay Guddoomiyaha Ururka VOSOMWO Marwo Nimco Iid Salaan oo iyadu si qoto dheer uga hadashay waxyaabihii keenay in ay hadhaan murashaxiintii Beelaha laga tiradda badan yahay.
Waxaana hadaladeedii ka mid ahaa ?Ujeedada Kulankan waxa uu ahaa mid lagu darsayo waxyaabaha keenay in murashaxiintii beelaha laga tirada badan yahay ee Golaha Deegaanka ay u hadheen.
Runtii aqoon korodhsigan oo aanu  in badan oo Goboladda dalka ah ka qabanay, waxa aanu uga gol leenahay sidii looga hor tagi lahaa bal in ay mar kale soo noqdaan caqabadahaasi, dadkan lag tirada badan yahayna shanta sano ee soo socota waa ka maqnaanayaan goleyaasha? ayay tidhi.
Waxa ay madaxweynaha Somaliland ku amaantay khudbada sanad laha ee uu u jeediyay labadda Gole, waxaanay tidhi ?Waxa aan madaxweynaha Somaliland ku amaanayaa khudbadiisii sanadlaha ahayd ee uu labadda gole u jeediyay, waxa uu ka codsaday hoos loo eego beelaha laga tiradda badan yahay? ayay tidhi.
Gabogabadiina waxa ay amaan u soo jeedisay hay?adda NED Oo Maal gelisay kulankaasi waxaanay tidhi ?Waxa aan halkan amaan uga soo jeedinayaa Hay?adda NED oo mashruucan maal gelisay, kuwo horena noo maal gelisay, halka kuwo kale oo soo socdana hadii alle idmo ay maal gelin doonaan? ayay tidhi.
Wasiir Ku Xigeenka Shaqadda iyo arrimaha Bulshadda Marwo Shukri Xariir Ismaaciil ayaa iyaduna soo dhaweysay aqoon korodhsigan, waxaanay xustay in cid kasta oo tartan ka qayb gasha looga baahan yahay in hadii ay guul daraystaan ay dib ka eegaan waxyaabihii keenay guul daradooda.
Sidoo kale waxa ay carabka ku dhufatay in ay xukuumadda uu gadh wadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay diyaar u tahay in ay wax la qabato dadka laga tiradda badan yahay, waxaanay tidhi ?Runtii ururkan VOSOMWO aad baan ugu amaanaya dedaalka uu la yimid.
Hadii doorashooyin la galo oo ay aad guul darasato waa mid loo baahan yahay in aad is xisaabiso si aad u ogaato halka ay wax ka khaldameen.
Xukuumadda uu gadh wadeenka yahay madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo sidii ay inantu u sheegtay madaxweynaha Somaliland khudbadiisii sanadlaha ahayd ee uu u jeediyay labadda gole waxa uu ka codsaday  in hoos loo eego dadka laga tirada badan yahay? ayay tidhi.
Sidoo kale Yuusuf Cawad Kirix oo isna halkaasi ka hadlay ayaa xusay in dedaal badan dheer oo ay geliyeen sidii dadka laga tiradda badan yahay ay u heli lahaayeen xaqooda ay ku guulaysteen.
Waxa uu amaan balaadhan u soo jeediyay cid kasta oo ay kala hadleen baahiyaadka beelahaasi hor-yaala sidii wax looga qaban lahaa oo uu xusay in ay gabi ahaantoodba u dhag raariciyeen.
Boqor Axmed Iimaan oo ka mid ah madax dhaqameedka Beelaha Laga Tiradda badan yahay ayaa xusay in marka hore beeshu u baahan tahay in ay iyadu wax wada qabsato.
Waxa uu xusay in ay Somaliland dadkeeda iyo waliba xukuumaddu ay diyaar u tahay sidii ay wax ula qaban lahayd, balse kuwa ka gaabiyay ay yihiin beeshooda.
Maanta Somaliland oo dhami waa inoo diyaar, xukuumadda hadii ay noqoto iyo hadii ay shacabka noqoto labaddaba, runtiina kuwa ka gaabiyay ee aan waxba qabsan Karin waa inaga.
Tusaale, markii ay doorashooyinka Golaha deegaanku ay dhacayeen ayaa waxa isa soo sharaxay beeshayadda oo kali ah laba, waxa aanu isku daynay in aanu kala reebno, ururkan ayaana ka mid ahaa kuwii kaalinta fiican ka soo qaatay, laakiin waa loo taag waayay? ayuu yidhi.
Geesta kale Suldaan Naasir suldaan Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah madax-dhaqameedka Beelaha Gabooye ayaa sheegay in ay beeshoodu ka mid tahay beelaha iyagu aan waxba wada qabsanin.
Waxa uu u soo jeediyay in marka hore ay iyagu kaalin fiican ka galaan sidii ay bulshadda reer Somaliland wax ula qaybsan lahaayeen ?Waxa aan halkan ka sheegi lahaa dhawr qodob oo runtii beesheena dib u dhac ugu wacan.
Hadii aan qodobka ugu horeeya soo qaado, doorashooyinkii golaha deegaanka ee dalka ka dhacay waxa aynu soo sharaxnay 27 xildhibaan, dhamaantoodna waa wada hadheen.
Runtii marka hore waxa in ay hadhaan ugu wacan inaga, marka labaadna waxa ugu wacan goobaha doorashadda oo inaga inagu yaraa.
Sida runta ah waxa markii ugu horeysay dadkeena kooto in la siiyo soo jeediyay madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale oo 2005-tii khudbad uu jeediyay ku sheegay in loo baahan yahay in hoos loo eego dadkaasi, wakhtigaas kumaan amaanin madaxweynaha waxaanan u arkayay in uu waajibkiisa gudanayo, Madaxweyne axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa isna soo jeediyay, laftiisuna waxa aan u arkayay in uu waajibkiisa gudanayo? ayuu yidhi.
Gabogabadiina waxa uu carabka ku dhuftay in beesha Gabooye ay kalsooni badan u hayaan dadka reer Somaliland isla markaana ay diyaar u yihiin ?Runtii Somaliland iyo beelaha dega dalkani waxa ay kalsooni buuxda u hayaan beelaha gabooye, mana jirto cid ina diidani? ayuu yidhi.
Guddoomiyaha Gobolka Maroodi jeex ee xisbiga Wadani Shiine Muxumed Idiris ayaa dhinaciisa carabka ku adkeeyay in ay ka xisbi ahaan la shaqayn doonaan beelaha laga tiradda badan yahay, diyaarna u yihiin sidii ay baahiyaadkooda wax uga qaban lahaayeen.
Gabogadiina Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa xusay in Beelaha laga tiradda badan yahay ay haystaan duruufo badan oo u baahan in wax laga qabto ?Runtii duruufo badan ayaa beeshan haysta, waxaanan ka shaqaynayay in aan doorashooyinka uun kooto la siin, laakiin shaqo walba oo dalka ka soo baxda Kooto la siiyo.
Runtiina aniga waa iga go?an tahay, oo xitaa iskuuladda gaarka loo leeyahay ayaan jeclahay in ay iyaga laftoodu kooto u xidhaan dadkan? ayuu yidhi..

Wajaale News

Office Hargaisa/Saomaliland

COMMENTS
LINKS