Talo Soo Jeedin Warbaahinta Kala Gadisan ee Gobolka Gabiley Inta Uu Socdo Shirka Beelwaynta Sacad Muuse ee Hodaale | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Talo Soo Jeedin Warbaahinta Kala Gadisan ee Gobolka Gabiley Inta Uu Socdo Shirka Beelwaynta Sacad Muuse ee Hodaale
August 20, 2013 - Written by editor
Inta aanan Hoos ugu daadagin waxa aa an ugu horeyn u mahadnaqanayaa………

Sida laga wada warqabo waxa Maanta si rasmi ah u furmay Shirweynahii guud ee Beelweynta Sacad Muse HODAALE oo la rajeynayo In Shaa Allah inay Kasoo baxaan wax badan oo wax tar u leh Danta guud ee Beelweynta Sacad Muse, beelaha daris wadaaga ah iyo waliba danta qaranka Somaliland. Run ahaantii waxa aan Mahad gaara Iska leh guud ahaan Dadkii Hawshan Suura galiyay in uu qabsoomo shirweynaha Aaya ka tashiga ee Beelweynta Sacad Muse Kuwaas oo run ahaantii Marxalado Adag kala soo dabaashay iyaga oo in badan oo Beesha kamida oo dane gaar ah iyo dane Shisheeye wadatay isku dayeen in ay Hagal daaciyaan qabsoomida shirka.

Hadaan usoo daadago Dulucda Maqaalkeygan oo ah Talo soo jeedin ku socota guud ahaan Hawl wadeenada warbaahinta kala gadisan ee ka howlgasha Gobalka GABILEY doorka la rabo in ay ka qaataan soo tabinta Hab sami u socodka Shirweynaha HOODAALE ee Maanta sida rasmiga ah bilaabmey,

Inta aanan Hoos ugu daadagin waxa aa an ugu horeyn u mahadnaqanayaa guud ahaan Hawl wadeenada ka hawl gala gobalka gabiley oo run ahaantii si hagar la’aan ah uga haqabtirey bulshadooda Xaalada dalka iyo Ta gobalkaba Aniga oo aad uga xun Falkii cabudhinta ahayd ee uu saaka kula kaca Gudoomiya gobalka oo ku amray inay wararka isaga soo Xafiiskiisa taas oo run ahaantii xadgudub ku ah xeerkii saxafada iyo waliba shuruucda Dalka iyada oo aan Gudoomiyaha gobalka shaqadiisa aanay ahayn Digreeto Madaxweyne oo lagu amray inu uu hawshaa warbaahinta Kaantaroolana kasoo bixin wali xukumada dhexe gobalkuna uu la midyahay gobalada dalka balse la odhan karo arintaasu waxa ay u muuqataa mid lagu carqaladeynayo Hawl wadeenada gobalka inta uu socdo shirka HOODAALE , waxan aan kusoo koobayaa maqaalkeyga qodobadan soo socda

1. ugu horey Waa in aad ogaataan in Shirka lagu qabanayo Degmo ka mid ah Gobalka oo aad Nasiib u yeelateen in aad Marti galisaan Ergada Shirka, sida uu dhaqankeenu ahaana Masuuliyad gaar ahi idinka saarantahay in dhamaan warbaahintiina kala gadisan ee gobalku Taariikhdu qori doonto doorka Taban ama Togan ee aad ka qaadataan soo Tabinta Shirka idinka oo shacabkiina qurbaha jooga ama dalkii jooga ee aan Nasiib u helin ugu soo tabisaan si Masuuliyadi kasaarantahay oo u dhex-dhexaad ah

2.Waa in aad kaTaxadirtaaj amaba aad joojisaan Maqaalada lidi ku ah shirweynaha ee ay idiin soo diraan Ashkaas Xanuun qabiil ku jiro oo badanaa warbaahinta Websites wax kusoo qora kuwaas oo u badan dad aan dalka joogin wax badana kawar qabin balse Danta Qabiil ee Shaksiga ahi kala weynyahay danta guud ee umada

3. Waxa aan Shaki ku jirin Inta Shirweynaha HOODAALE uu socdo In loolanka Siyaasadeed ee Siyaasiyiinta Beeshu in iyana ay ku hirdamayaan Kasbashada Aqlabiyada Beesha Hadabawaxa idinla gudboon In ay daan lakala safan oo aad dhex u ahaateen Kana digtoonaataan in warbaahintiina Lagu Aflagaadeeyo Siyaasiyiinta Beesha

4. Waa in aad ogaataan In Qurbajoogta Beelweynta guud ee Sacad Muse ay si taxadirleh ula socdaan warbaahinta kala gadisan ee gobolka wararka ay soo tabinyaan Inta uu socdo Shirku ayna sigaara wararka uga daalacanayaan Website Gabileynews oo ah run ahaantii Mid Ka turjumaya guud ahaan Bulshada.

5. Qodobka ugu danbeeya waa in websiteka Gabileynews ogaadaan in Maqaalada lagu soo qorayaa aanay noqonin kuwo lagu Aflagaadeeyo ama si Shakhsi ah loogu weerara Siyasiyiinta beesha, Hadii kale Maqaal uu si qaldan usoo qoro Shakhsi Xiqdi iyo Xumaan Qabiil kadhex buuxaa ku aflagaadeeyo Siyaasi Sumacad ku dhex leh Beesha uu Maqaalkiisu noqon karo mid ay raali ka yahiin hawlwadeena Website idinkana sumacadii aad ku laheydeen Bulshada dhexdeeda uu shaqsigaasi baabiin doono.

Ugu danbeyntii waxa aan Mar labaad Maqaalkeygan Talo soo jeedinta ah ugu Tala galay Hawl wadeenada ka hawl gala warbaahinta kala gadisan Somaliland gaar ahaan Gobolka

Wabilahi Tawfiiq

Abdirahman. M.

Helsinki-Finland

COMMENTS
LINKS