|
|||||
WAJAALE NEWS
Taliyaha Qaybta Gobolka Gabiley Oo Damcay Darajada Uu Heley Taliyaha Saldhiga Degmeda Tog-Wajaale.
August 19, 2013 - Written by Wariye:Wajaale: (Wajaale News)-taliyaha Qaybta Ee Gobolka Gabiley C/laahi Xasan Faarax Ayaa La Sheegay Inuu Damcay Darajada La Siiyey Taliyaha Saldhiga Degmeda Tog-wajaale Mujaahid Muxumed Cumar Suldaan. Ilo Xog Ogaal Ah Oo Lagu Kalsoonyahay Ayaa Gabiley News U Xaqiijiyey In Taliyaha Qaybta Ee Gobolka Gabiley Uu Damcay Isla Markaana Ku Qabsaday Qayb Kamida Darajada Uu Helay Taliyaha Saldhiga Degmeda Tog Wajaale Mujaahid Muxumed Cumar Suldaan. Ilo Wareedyo U Dhuun Daloola Taliyaha Qaybta Iyo Taliyaha Saldhiga Wajaale Ayaa Noo Xaqiijiyey In Maalintii Darajooyinka La qaybinayey Uu Heley Taliyaha Saldhiga wajaale Darajo ka Kooban Sadex Xidigood Isla Markaana Uu Taliyaha Qaybtu Gacantiisa Ka Bixiyey, Balse Markii Hawlihii Darajooyinku Dhamaadeen Uu Taliyaha Qaybtu Lasoo Xidhiiidhay Taliyaha Saldhiga Degmeda Tog-Wajaale Mujaahid Muxumed Cumar Suldaan Isla Markaana Uu Ku war Galiyey Inuu Sadexda Xidigood Mid Ahaan Soo Celiyo. Sidoo Kale Ilo wareedyadu Waxay Noo Xaqiijiyeen In Taliyaha saldhiga Degmeda Tog-Wajaale Uu Ku Cagan Saydhay Taliyaha Qaybta Oo Isagu Doonaya Inuu Xidig ka Qaado Taliyaha saldhiga Tog wajaale. Taliyaha Saldhiga Degmeda Tog-wajaale Ayaa Ah Taliyaha Ugu wax qabadka badan Hawl Wadeenada amniga Ee Gobolka Gabiley Isaga Oo Guud Ahaan Dhabarka U Ritay Hawsha Amni Ee Magaalo Xuduudeedda Tog-wajaale, Taliye Muxumed Cumar Suldaan Ayaa Isagu Maalmihii Ugu dambeeyey Halgan Adag Ugu Jiray sidii Uu u Xakamayn Lahaa Waxyaabaha Mukhaadaraadka Ah Ee Inagasoo gala Dhanka Wadanka Aynu Jaarka nahay Ee Itoobiya, Iyo Xakamaynta Tahriibta Oo Waayadan Dambe Aad Ugusoo Badatay Wadanka Iyada Oo Ay Magaalo Xuduudeeda Tog Wajaale Xarun U tahay Tahriibayaasha Ayaa Waxa Uu Taliyaha Saldhiga Tog wajaale Ku Guulaystay Inuu Qab-qabto 150- Dhalinyaro Ah Oo Tahriibayaal Ah Iyo 11-Nin Oo Iyagu Ah Kuwa Dadka Tahriibiya, Iyagoo Dhamaan Dhalinyaradaasi Tahriibaysay Uu Waalidiintood Ula Wada Hadlay Isla Markaana Ay Dhamaantood La Warergeen Ubadkooda, Halka Uu Kuwii wax Tahriibinayeyna U Gudbiyey Maxkamada Gobolka Halkaasna Lagu Xukumay. Sidoo Kale Qaar kamida Shacbi Waynaha Degmeda Tog-Wajaale Ayaa Tilmaamay Inay Aad Ugasoo Horjeedaan Falkan Foosha Xun Ee Uu Ku Kacayo Taliyaha qaybta Gobolka Gabiley, Sheegayna Inay Filayeen In Sadex Xidigood Wax Ka Badan Uu Helo Mujaahidku, Sidoo Kalena Amaan faro Badan usoo Jeediyey Taliyaha Saldhiga Degmeda Tog-Wajaale Mujaahid Muxumed Cumar Suldaan Oo Kamid Ahaa Mujaahidiintii SNM Iyagoo Ku Amaanay Isbadalka La Taaban Karo Ee Uu Ku Samameeyey Amniga Degmeda Tog-wajaale Mudadii Koobnayd Ee Ay Talada Dalka Haysay Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo. Si Kastaba Ha Ahaatee Falkan Uu Ku Kacay Taliyaha Qaybta Ee Gobolka Gabiley Ayaa Noqonaya Kii Ugu Horeeyey Ee Noociisa Ah Ee ka Dhaca Guud Ahaanba Gudaha Gobolka Gabiley Hadaba Dadwaynaha Ku Dhaqan Degmeda Tog-Wajaale Ayaa Iyagu Ka Dhursugaya Talaabada Uu Ku Dhaqaaqi Doono Taliyaha Qaybtu Wajaale News Office Hargaisa/Somaliland Related posts:Daawo:Xildhibaan Qabile Oo Ka Hadlay Arimo Xaasaasi ah Dibna U Xasuusiyay Muuse Biixi Halgankii C/la... DAAWO; Waraysi Dhinacyo Badan Taabanaya Oo La Layeeshay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Muxuuse Ka Y... Gudida Turxaan Bixinta Ee xusbiga Kulmiye oo Soo Afjaray Khilaafkii Kulmiye Iyo Go,aamo Ay Soo Saar... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|