Taliyaha Laanta Socdaalka Wajaale Ee Somaliland Oo Gubay Calanka Ethoipa,Laanta Socdaalka Ethiopia Oo Ka Xumaatay Falkaasi Iyo taliyaha Ciidanka Police-ka S/land oo Baadhis U Diray Arinkaas. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliyaha Laanta Socdaalka Wajaale Ee Somaliland Oo Gubay Calanka Ethoipa,Laanta Socdaalka Ethiopia Oo Ka Xumaatay Falkaasi Iyo taliyaha Ciidanka Police-ka S/land oo Baadhis U Diray Arinkaas.
August 3, 2013 - Written by editor
Wajaale (WAJAALENEWS) Taliyaha laanta socdaalka degmada wajaale ee somaliland mudane cabdirashiid ayaa maanta xidhxidhay muwaadiniin qurbajoog reer somaliland ah kuwaasi oo uu kula kacay handadaad iyo cagojuglayn isagoo saacado ku haystay badhtamaha suuqa wajaale una kaxaystay saldhiga booliska iyadoo ugu danbayntiina waxba lagu waayay.
sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah muwaadiniinta dulmigan lagula kacay ayaa waxaa ay tibaaxeen inaanay ahayn markii ugu horeysay ee uu masuulkani ku kaco falkan oo kale balse waxaa uu noo sheegay sidoo kale cabdi axmed yare oo ka mid ah dadkaasi inay aad uga xumaadeen markii ay soo dhaafeen goobtii laanta socdaalka ee wajaale lana baadhay iyagoo afurkii ku socda in taliyuhu ku qasbo inay ku laabtaan xafiiska sidoo kale mar lawaydiiyay muwaadiniintan waxa lagu haysto ayaa ay sheegeen in lagu qabsaday calanka dawlada ethoipia oo dhex yaala gaadhiga waxaana uu intaasi ku daray in taliyuhu qaatay calankaasi isla markaana leetar ku gubay arinkaasina waxaa si weyn uga cadhooday laanta socdaalka dalka ithopia
taliyaha ciidanka police-ka somaliland cabdilahi fadal iimaan ayaa soo kala dhex galay  isla markaana xaaladani wax ka qabtay isagoo amar ku bixiyay in wax laga qabto  falkan foosha xun ee uu ku kacay
 cabdi axmed yare oo arinkaasi ka hadlaya ayaa waxaa uu yiri”walaal waad ogtahay in dowlada somaliland iyo ethiopia ay ka dhaxayso wada shaqayn baahsani,calanka somaliland oo aan la aqoonsanayna  ithoipia ayaan la tagnay cidina sidaa nooma eegin,masuul lama moodo walaal ninkan imigarationka jooga calanka uu nagu haystaa muxuu samayni,somalilandnimaduse ma calan baa mise waa qalbiga,walaal anaku waxaan u malaynaynaa in ninkani uu ku xumaynayo xidhiidhka somaliland iyo ethiopia calankii dalkaasna waa uu gubay,mana garanayno sababta haduu xataa afur doonayo inuu na waydiiyo ayay ahayd ayuu hadalkisa ku soo dhameeyay”
si kastaba ha ahaatee masuulkan laanta socdaalka ee somaliland degmada wajaale cabdirashiid ayaa la sheegay in uu baadhasho ka bilaabay xuduudka xili masuulkii ka sareeyay mr canbaro loo haysto musuqmaasuq baahsan

COMMENTS
LINKS