Somaliland: Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Oo Casuumad-Casho Sharaf Soo Dhaweyn Iyo Maamus Isugu Jirta Ku Qaabilay Haweenka Qurba-jooga Xisbiga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland: Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Oo Casuumad-Casho Sharaf Soo Dhaweyn Iyo Maamus Isugu Jirta Ku Qaabilay Haweenka Qurba-jooga Xisbiga
August 18, 2013 - Written by editor

Waxa muhiima garabada haweenka Xisbiga UCID ee laamaha dibada iyo guddoomiyayaashoodu xidhiidh joogta ah yeeshaan oo ay u dhabar adeygaan sidii aynu ugu guuleysan lahayn madaxweynanimada dalka Somaliland haddii ILAAHAY yidhaahdo” jamaal Cali Xuseen

 

Hargeysa(WJN):-Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa Casuumad-casho sharaf soo dhaweyn iyo maamuus isugu jirta caawa ku qaabilay haween-weynaha qurba-jooga Xisbiga Xisbigaasi ee laamaha dibada.kadib markii ay dalka dib ugu soo noqdeen.   

Casuumadan Cashada ah ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay,isla markaana loogu mahad-celinayo cudduda haweenka ee qurba-jooga ee hawlaha baddan u soo qabtey Xisbiga,isla markaana ay isku baranayaan iyaga dhex-dooda maadama ay waddamo kala duwan ay ku kala nool-yihiin.

Waxa Xaflada Casho-sharafta kala qeybgalay Murrashaxa madaxweynanimada Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, xoghayaha maaliyada Xisbiga UCID Faadumo Siciid, haween kale iyo marti sharaf kale.

Xoghayaha Maaliyada Xisbiga UCID Faadumo Siciid oo munaasibadaasi casho sharafta ka hadashay ayaa waxay ku soo dhaweysay haweenka qurba-jooga Xisbiga UCID dhulkooda hooyo, isla markaana waxay uga mahad-celisay Xooga iyo maalka laxaadka weyn ee ay Xisbiga galiyeen

“Haweenku waa cidda ugu baddan ee codka bixisa marka la codeynayo, cidda qaadhaanka bixisa marka lacagta la uruurinayo, markaa haweenku waa ishiinka Xisbiga UCID ku socdo”.Ayey tidhi Faadumo.

Murrashaxa madaxweynanimada Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo isna halkaasi ka hadlay ayaa uga mahad-celiyey haweenka qurba-jooga iyo laamahooda dibada Xisbiga UCID kaalinta laxaad leh ee ay kaga jiraan Xisbiga UCID “Haweenku waa Ishiinka uu ku socdo Xisbiga UCID, waa cidda ugu baddan ee codka bixisa marka la codeynayo, sidaa daradeed waxaan uga mahad-celinayaa sida ay isku xidhan yihiin ee ay hawlaha Xisbiga uga wadaan qurbaha. Waxaan leeyahay isku duubnaada, isku xidhnaada markaas ayaad noqonaysaan cuddud miisaan leh dhinac kasta marka laga eego”.Ayuu yidhi

“Waxaan idiin haynaa ixtiraam baddan, waan idiin og-nahay hawsha aad heysaan culeyskeeda waxaan idin leeyahay u dhabar-adeyga ,ILAAHAY ayaa idinka ji?saa?I siin doona, abaalkeeda waad heli doontaan”. Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

“Waxa muhiima garabada haweenka Xisbiga UCID ee laamaha dibada iyo guddoomiyayaashoodu xidhiidh joogta ah yeeshaan oo ay u dhabar adeygaan sidii aynu ugu guuleysan lahayn madaxweynanimada dalka Somaliland haddii ILAAHAY yidhaahdo, dalaalkeedii ayaa la idinka rabaa”.Ayuu yidhi Jamaal

Qaar ka mida haween-weynahan qurba-jooga Xisbiga UCID oo ay wajiyadooda ka muuqatey farxad iyo weji dabacsanaan baddan ayaa xafladaasi cashada ah ka hadlay ayaa waxay u mahad-celiyeen Murrashaxa madaxweynanimada Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo ay ILAAHAY uga baryeen inuu xilka madaxtinimada dalka ee uu ku tartamayo inuu ka aqbalo oo uu siiyo, waxaanay si isku midda u ballan-qaadeen inay si labanlaabi doonaan hawlaha kor-loogu qaadayo isku xidhnaanta, wada-shaqeynta iyo ka midho dhalinta hamiga iyo hiigsiga Xisbiga-ba    

 

COMMENTS
LINKS