|
|||||
WAJAALE NEWS
SOMALILAND SHALEY DHAANTEY EE MAANTA WAA DHABANAHEYS?By Yuusuf Kayse
August 21, 2013 - Written by editorMarka hore waxaan salaamayaa dhamaan saxaafada xorta ah ee cago jugleyntu ku socoto Marlabaadka waxaan salaamayaa shacbiweynaha reer Somaliland ee wanaaga jecel Hadii aan u daadago qormadeydan
Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan saxaafada xorta ah ee cago jugleyntu ku socoto Marlabaadka waxaan salaamayaa shacbiweynaha reer Somaliland ee wanaaga jecel Hadii aan u daadago qormadeydan –Intii xukuumada Siillaanyo xilka haysey waxa talaabo walba oo laqaadaaba ay ku jihaysnayd xaalad abuurid ,iska horkeen iyo iska celi , Bal U Fiiriso dhacdooyinkan :–
Hadaba shacbiga reer Somaliland waxaan leeyahey miyaanu qalbigiina ka dhex guuxeyn geeraarkii ahaa,(GAAJADA KA BAX BAAN GUNTIGA U XIDHEE,MA HADAAN GALEY GEERASHKEEDII) _Marka ay caankaasi ay tahay waxaanu xaal siinay :- 1. Umadda reer Somaliland ee lala doonaayay qalalaasaha & xasilooni darada (Ee Famsan Arintaa) 2. Mujaahidiinta laga caayayo T.v ga lagu sheego T.v Qaranka ( anigu waxaan idhaahdaa T.vga Xukuumada Siilaanyo 3. Mudane Daahir Riyaale Kaahin oo lagu canbaarayn jiray musuq maasuq balse bilad sharafna mudan . _ Waxa lagaadhey xiligii Calanku ehelkiisa lasoo bixi lahaa kadib markay noo dhamaatay Duruustii isbarashada, maado hogaaminta ,siyaasada iyo sixir bararka ee duco diidka . _waxaanu ku baaqaynaa shirweyne qaran iyadoo oo aanu u yeedheyno:- 1. Halyaga Guud Sayid Ibnu Sayid ibnu Sayid 2. Halyaga Mujaahid Hassan Ciise Jaamac 3. Hormoodkii inqilaabkii 1962 4. Macalimiinta qoomiyada Uffo 5. Muj C/raxmaan Tolwaa 6. Madax dhaqameedka reer s/land 7. Culimo awdiinka reer Somaliland 8. Qurba jooga reer s/land 9. Iyo Dhamaan Mujaahidiinta Xalaasha Aheyd Waxa laydinka yeedhayaa halkay Dadkan & Dalkanba wax u yaalaanaa , Madasha Wada jirka ee Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka (M.W.T.Q),si aynu uga tashano golayaasha fadhiitka AH ee dalkan ka dhigey dal aanay cidiba lahayn iyo Dhamaan dhibaatooyinka dalka ka jira _ waxa Duqa aanu leenahay madax meel kasaraysa oo la taabtaa majirto ee maKula tahay inaad talada dalkan shirkaa ka soo qaybgasho oo sida loogu taliyo aad u fuliso Waxaanu leenahay maxkamad hala taago Gudidii Shirkii U Danbeeyey Heshiiska Saxeexdey ee masiirkii umadan indhaha karidey waxbo kama jiraana kadhigtey isla markaana soo qaatey go,aamo Rajo beel ah
(Maqaal) QalinkiiYusuf Keyse A/laahi / Email:Farxadi@hotmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|