Somaliland Oo Markii Ugu Horeysay Lagaga Dhawaaqay Shirkad Magaceeda La Yidhaahdo ´PONTUS MARINE´ Oo Kalluunka Dalka Suuqyada Caalamka U Iib-geynaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Oo Markii Ugu Horeysay Lagaga Dhawaaqay Shirkad Magaceeda La Yidhaahdo ´PONTUS MARINE´ Oo Kalluunka Dalka Suuqyada Caalamka U Iib-geynaysa.
August 26, 2013 - Written by editor

Shirkad ka shaqayn doonta ka ganacsiga Kalluunka dalka Somaliland oo magaceedu yahay Pontus Marine,ayaa maanta lagaga dhawaaqay Caasimada Somaliland ee Hargeysa,Shirkaddaas oo ah nooca Saamileyda taasoo la sheegay in maalgalinteeda ku bixidoonto $5 Milyan oo Doollar,

Hargeysa(WJN):- Shirkad ka shaqayn doonta ka ganacsiga Kalluunka dalka Somaliland oo magaceedu yahay Pontus Marine, ayaa maanta lagaga dhawaaqay Caasimada Somaliland ee Hargeysa,Shirkaddaas oo ah nooca Saamileyda taasoo la sheegay in maalgalinteeda ku bixidoonto $5 Milyan oo Doollar, waxaana ka qaybgeli kara qof kasta oo reer Somaliland haddii uu dalka gudihiisa ama Dibeddiisa joogo, saamiga ugu yarna waxa lagu sheegay in uu yahay 500 (shan boqol) oo Doollar.

Maamulaha Guud ee Shirkadda Pontus Marine Axmed Abokor ayaa sidaasi shaaciyey, waxaanu xusay in maalgalintani tahay mid macno weyn ugu fadhida Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo sheegay in shaqo abuurna u sameynayso illaa dad

a badan 400 oo qof.

Maamulaha Shirkadda pontus Marine Axmed Abokor
Maamulaha shirkaddaasi Axmed Abokor oo ugu horreyn ka hadlaya hawlaha kala duwan ee shirkaddu qaban doonto, waxa uu yidhi; “Shirkadda Kalluunka Pontus Marine waa shirkad ka hawlgali doonta Somaliland.Laakiin,ka diiwaangashan dalka UK,laakiin waaxannu immika ku gudo-jirnaa sidii Somaliland uga diiwaangelin lahayn, shirkaddana waxa ku bahoobay khubaro caalami ah,kuwaasoo khabiirro ku ah dhinaca dhaqaalaha, ka faa´iideysiga khayraadka Badaha, Suuq-geynta Kalluunka iyo Xidhiidhada caalamiga ahba.Waxa kale oo ka hawlgali doona dadweynaha Somaliland, waxa kale oo aynu doonaynaa in Kalluunkeennu uu suuqyada caalamka kula tartamo Kalluunka kale, Shirkaddanna waxa Guddomiye Guud ka ah Mr.Heleri Beligam, waa Wasiirkii xidhiidhka Afrika ee hore ee UK, isagaa Guddoomiye ka ah.”

“Shirkaddan Kalluunka waxa Xarumaheedu noqon doonaan magaalooyinka Berbera iyo Maydh, waxa kale oo ay Shirkaddu Xafiisyo ka furanaysaa magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Burco, waxa kale oo ay hore Xarumo ugu lahayd UK Magaaloyin ka mid ah, iyo dalalka Maraykanka,Ustareeliya iyo Carabta, Shaqaalaha ka shaqayn doonaa ugu yar waa 400 oo qof, runtii dhinaca saamilaydana waxa ka qaybgeli kara qof kasta oo reer Somaliland oo gudaha iyo dibebaddaba jooga lacagta ugu yar ee saami ahaan waa 500 oo Doollar, halka qofka dibedda joogana uu ugu yar tahay 1,000 Doollar, qof lacagta uu dhigtay macaashkeeda waxa uu halayaa sannadka labaad ee uu lacagta dhigto, oo sannadka koowaad ayaannu helayn.”Sidaa ayuu yidhi Axmed Abokor.

Waxa kale oo uu ka hadlay sharciyadda kala duwan ee ay ku hawlgalayso shirakaddu iyo sharaciyada u kala yaal qofka Saamaaliyeed iyo shirkadda, waxaannu xusayn in sharci caalami ah uu u yaallo shirkadda waxa lacag ah oo lumaysaa aanay jirin.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Xidhiidhiyaha Guud Shirkadda Pontus Marine ee dhinaca Maalgashiga Axmed Cabdiqaadir Axmed iyo Maxamed Guleed Liiban oo ah Wakiilka Somaliland, Canada iyo Ustareeliya ee Shirkaddaas, waxaanay hoosta ka xarriiqeen Muhiimadda Shirkaddan Kalluunka ee cusubi ay Somaliland u leedahay, iyaga oo sheegay in loo bahan yahay in dadka reer Somaliland wax wadayeeshaAn oo ay wax wada maalgashadan si ay faa?iido u helan, dadkooduna wax badan ka faa?iido, waxa kale oo ay ka hadleen xeerarka kala duwan iyo sharciyada u yaala Shirkadan.

Waxa kale oo ay sheegen in shirkadani ka shaqayndoonto soo saarista Kaluunka Iibgeyntiisa, iyaga oo sheegay in xaruntooduna ay noqon doonto dalka Somaliland Siiba Magaalooyinka Maydh Iyo Berbera oo ay sheegen in kaluun badani uu deegankaasi ku Dugan yahay,waxa kale oo ay rajo weyn ka muujiyeen sidda qorshani maalgashi u hirgalayo, waxayna tilmaameen in durba lacag badan oo maalgashi ahi soo xarootay oo dad badan ay Saamiyo yeesheen, kuwa kalena ugu baaqay in muddada kooban ee hadhay ay ka faa´iideystaan.

Shirkaddan ayaa waxay wax weyn ka qaadandoonta sidii ay shaqo-abuuris ugu sameyn lahayd dhalinyarada reer Somaliland oo baddankoodu aan shaqeynin.

Wajaale news Desk

Contaact Us: Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS