Shirkada AL-NUUR FURNITURE Oo Ka Farxisay Caruur Agoona Oo Boqolaal Kor U Dhaaftey Iyo Ducadii Loo Jeediyey.DAAWO SAWIRADAN | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkada AL-NUUR FURNITURE Oo Ka Farxisay Caruur Agoona Oo Boqolaal Kor U Dhaaftey Iyo Ducadii Loo Jeediyey.DAAWO SAWIRADAN
August 7, 2013 - Written by editor

“Markaa Ganacsade Cabdiraxmaan Al-NUUR waxaan ILAAHAY uga rajeynayaa halka uu deeqdan ka soo saarey boqol laabkeed ugasho Jasaa?akalaahu Khayra” Agaasimaha Xarunta agoomaha Hargeysa Caasha Maxamuud Qaalib.

Hargeysa(WJN):-Shirkadda qalabka guryaha keenta ee  Al-NUUR Furniture ayaa maanta Ciid-siisay 485- oo caruur ah oo ku jira xarunta agoomaha ee Magaalada Hargeysa, si ay ula farxaan Ciidal-fidriga caruurta ay waalidiintoodu nool yihiin.

Munaasibadii loo sameeyey wareejinta deeqdan dharka Ciida oo dhameystiran ayaa waxa ka soo qeybgalay Agaasimaha Xarunta agoomaha Hargeysa Caasha Maxamuud Qaalib,Agaasimaha Xafiiska xidhiidhka dadweynaha madaxtooyada Somaliland Cabdirisaaq Ismaaciil Maxamed (Cabdirisaaq Kildhi), Siciid Cabdi Gaboobe oo ka mid ah guddida xarunta agoomaha Hargeysa, iyo saraakiil ka socotey Shirkada AL-NUUR Furniture

yo marti sharaf kale, waxaana munaasibada lagu qabtey xarunta agoomaha Hargeysa.

Cabdirisaaq Cabdilaahi Axmed oo ka mid ah shaqaalaha Shirkada AL-NUUR oo ku hadlayey magaca mulkiilaha Shirkadda Al-NUUR Cabdiraxmaan Maxamed, ayaa waxa uu sheegay inay deeqdani calaa qof dharkiisi oo dhameystiran ka kooban tahay, waxaanu yidhi “Deeqdan dharka Ciida ah ee uu ganacsade Cabdiraxmaan AL-NUUR ku ciidsiiyey 485-ka agoomood ee ku jira xarunta agoomaha ee Hargeysa maaha markii ugu horeysay ee ay Shirkada AL-NUUR deeqdan oo kale u keento, laakin sanadkasta waanu ciidsiinaa agoomaha si ay u farxaan, waxaanu Ganacsade Cabdiraxmaan AL-NUUR damaanad-qaaday ILAAHAY ka sakow inuu sanadkasta labada Ciidood ee muslimiintu ciido uu Ciidsiiyo agoomaha xarunta ku jira oo ay farxada kala qeybqaataan umadda kale”.

“Deeqdan dharka Ciidu waxay ka kooban tahay oo ay isugu jirtaa waa kabihii oo isiugu jira Buudh iyo Sandal,isku-joogi shaadhka iyo surwaalka lahaa iyo qalabkii kale ee caruurta yaryari ku Ciyaarto oo noockasta leh oo lagu ciidsiinayo 485-agoomood oo ku jira xarunta agoomaha Hargeysa”.Ayuu yidhi Cabdirisaaq Cabdilaahi Axmed.   

Agaasimaha xarunta agoomaha ee Caasimada Somaliland ee Hargeysa Caasha Maxamuud Qaalib oo ka gudoontey deeqdan dharka ah ayaa oo munaasibadaasi ka hadashay waxay tidhi”Waxaan aad iyo aad ugu duceynayaa mulkiilaha Shirkada Al-NUUR Cabdiraxmaan Al-NUUR oo had iyo jeer xeradan agoomaha ah aad iyo aad uga war-haya, muddadii aan imi ilaa imika dhamaadkii 2010-kii labada Ciidood (Ciidal Fidriga iyo Adxada) iyo inta u dhaxeysa marka baahiyi jirto waxa uu ka mid yahay dadka gargaara ee wax u keena”.

Iyada oo hadalkeeda sii wadatana waxay tidhi “Markaa Ganacsade Cabdiraxmaan Al-NUUR waxaan ILAAHAY uga rajeynayaa halka uu deeqdan ka soo saarey boqol laabkeed ugasho Jasaa?akalaahu Khayra ayaan leeyahay,Cabdiraxmaan Al-NUUR waxa uu xarunta agoomaha Hargeysa tarey hadal kuma soo koobi karayo aad ayuu u mahadsan yahay”.

Siciid Cabdi Gaboobe oo ka mid ah guddida xarunta agoomaha Magaalada Hargeysa oo isna munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Aniga oo ka mid ah guddida xarunta agoomaha Hargeysa waxaan leeyahay Cabdiraxmaan Al-NUUR ILAAHAY ha ka jisaa?i-siiyo deeqdan uu ku ciidsiiyey dhalinyarada ku jirta xarunta agoomaha Hargeysa, ILAAHAY ayaana u gargaari doona Cabdiraxmaan Al-NUUR”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi”Cabdiraxmaan AL-NUUR labada Ciidood iyo inta u dhaxeysa uu ka war-hayaa xarunta agoomaha isaga ILAAHAY ayaa ka war-heyn doona 485-agoon  ayuu Ciid-siiyey oo waad arkeysa, alaabtan uu u keenay waa alaab tayo leh, markaa mahad-naq iyo duco gaara ayaan u gudbinaynaa”

Agaasimaha Xidhiidhka dadweynaha Madaxtooyada Somaliland Cabdirisaaq Kildhi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan ku faraxsanay oo aan mahad-gaara u dirayaa muwaadinka da?a yare e ganacsadaha Cabdiraxmaan Al-NUUR ee la garanayo wakhtiga uu ganacsiga bilaabay iyo mustawaha uu maanta marayo, waxaan leeyahay ILAAHAY ha u barakeeyo, waxa suurtageliyey”

“Cabdiraxmaan Al-nuur waxa uu si joogta ah uu ciidsiiya agoomaha ku jira xarunta agoomaha Hargeysa oo wuu ka war-haya, oo maantana ganacsigiisu wuu ka dhex muuqda ganacsiga kale, markaa ILAAHAY ha u barakeeyo ganacsiga, Markaa walaalayaal dadka inta taagta daran ha la gargaaro oo wax ha la siiyo, kuwan waaba lagaranayaa ee waxa jira kuwo kale oo aqalada dhex-dooda ku dhex bakhtiyaaya oo aanay ciddina ka war-haynin, oo aan cidka waxba weydiisanayn”.Ayuu yidhi Kildhi

Md. Kildhi waxa uu ka codsaday shacabka reer Hargeysa in la isku naxariisto, isla markaana  qofkastaa ka shaqeeyo sidii farxad loogu wada Ciidi lahaa.

Maaha markii ugu horeysay ee ay Shirkada AL-NUUR FURNITURE ciidsiiso agoomaha ku jira xarunta agoomaha Magaalada Hargeysa, laakinse sanadkasta wuu ciidsiiyaa, waxaanan ugu duceynaynaa inuu ILAAHAY ka ji?saa?isiiyo.

Wajaalenews Desk

Hargeisa Office

COMMENTS
LINKS