Shirka Beelaha Sacad Muuse Ee Degmadda Agabar Oo Lagu Wado In Uu Berri Furmo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirka Beelaha Sacad Muuse Ee Degmadda Agabar Oo Lagu Wado In Uu Berri Furmo
August 17, 2013 - Written by editor

degmada Agabar oo loo tuhmay in uu xidhiidh dhaw la leeyahay guddida shirkaasi iyo waliba Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa (WJN) – Shirka Beesha Sacad Muuse ee Hoodaale ayaa maalinta Berri ah lagu wadaa in uu si rasmi ah uga furmo degmadda Agabar ee gobolka Gabiley.

Ergooyinka shirkaasi ka qayb galaya iyo madax dhaqameedka beelaha sacad muuse ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sii qul-qulayay Degmadda Agabar iyada oo dhinaca kalena ay xukuumaddu il feejigan ku eegaysay shirkaasi.

Maalmo uun ka hor ayay ahayd markii ay warbaahintu soo tebisay

in Degmada Agabar uu gaadhay Badhasaabka Gobolka Gabiley oo watay ciidamo kuwaas oo looga shakiyay in ay khal-khal gelinayaan amaanka Goobta uu shirku ka dhacayo.

Si cad looma sheegin Ujeedada socdaalka Badhasaabka, balse waxa ay ku soo begantay wakhti xilkii laga xayuubiyay Guddoomiyihii degmada Agabar oo loo tuhmay in uu xidhiidh dhaw la leeyahay guddida shirkaasi iyo waliba Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ay deeradu dhex miranayso ninka xilka uu hayo ku taamaya ee Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Xukumadda oo intii ay taladda wadanka haysay ee saddexda sano ahayd ay dalka ka qabsoomeen shirar ay beelaha Somaliland kaga arrinsanayaan aayahooda, ayaa si aad ah isha ugu haysa shirkan iyada oo marar badan warbaahinta ay madax dhaqameedka beesha Sacad Muuse ay ka sheegeen in aanu shirkani ahayn mid siyaasadeed, balse uu yahay mid dhaqan.

Si kastaba ha ahaatee shirkan ayaa qaban-qaabadiisu ay socotay labadii bilood ee ugu dambeeyay, waxaanu helay taageero laxaad leh oo ay beeshu u muujisay qabsoomida shirkaasi.

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

CON US : wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS