Sarkaal ka tirsan Bangiga Adduunka oo la kulmay madaxda Puntland iyo Waxyaabihii laga wada-hadlay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sarkaal ka tirsan Bangiga Adduunka oo la kulmay madaxda Puntland iyo Waxyaabihii laga wada-hadlay
August 19, 2013 - Written by Wariye:

Caroowe(Wajaale News)-Sarkaal sare oo ka socda Bangiga Adduunka ayaa maanta madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe kula kulmay madaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada.

Madaxda Puntland iyo sarkaalka oo lagu magacaabo Hugh Riddell ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin baahiyaha dhaqaale iyo horumarinta bulshada Reer Puntland, iyadoo laga wada hadlay sidii arrimaha Dhaqaalaha iyo Baahiyaha goobahaas ka jira wax looga qaban lahaa.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaa shir guddoominayay kulanka, waxaana kulanka kala qeyb-galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta, waxbarashada, caafimaadka, xannaanada xoolaha, deegaanka iyo beeraha ee Puntland.

Hugh Riddell ayaa Gogol xaadh u ah booqasho uu ku iman doono Soomaaliya Guddoomiyaha Bangiga Adduunka Jim Yong Kim.

Jim Yong Kim, ayaa la filayaa inuu imaashihiisa ka dib ballan qaado mashaariic waaweyn oo horumarineed oo uu Soomaaliya  u ballan qaadi doono, kuwaas oo ay Puntland diyaar u tahay inay dhinaceed qabsato.

Wajaale News
Office:Hargaisa/Smaliland

COMMENTS
LINKS