Qodobada uu madaxweyne Siilaanyo ku fashilmay iyo balanqaadyadiisa dhicisoobay.Qeybtii4aad | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qodobada uu madaxweyne Siilaanyo ku fashilmay iyo balanqaadyadiisa dhicisoobay.Qeybtii4aad
August 4, 2013 - Written by editor

Suxufi:Maxamed Sagax Qaybtii 4aad Ninkaan idhi I toosi ee aan ku seexday ee isku balamiyay nin kale ee ku yidhi I toosi.

Doorashooyinka iyo guuldarooyinka xukuumada madaxweyne Siilaanyo muddadii saddexda sano ee xilka ay haysay ee daaha ka fayday kartida iyo maamulka xukuumada kulmiye, ayaa ilaa hada ah kuwo dhibaatooyinkii iyo musuqmaasuqii ay keentay doorashadii golayaasha deegaanada ee ugu horaysay ee ay qabtaan ay wali sii taagan yihiin riiqdii iyo muranadii ka dhashay, taas oo xukuumada madaxweyne Siilaanyo ee isku bogtay ay waxqabadyadii ay ku faaneen ee dhalanteedka ahaa ee sadexda sano ay ku soo bandhigeen ay ka reebeen fashilaadaha culus ee ka soo gaadhay doorashadii ugu horaysay ee golayaasha deegaanada

  1. Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo xukuumadiisu ay qabatay doorashadii ugu horaysay ee golayaasha deegaanada ee dalka ka dhacay 28kii November
  1. 2012-kii, taas oo noqotay doorashadii ugu qalalaasaha iyo musuqmaasuqa badnayd marka loo eego afartii doorasho ee hore dalka uga soo qabsoomay oo aanay jirin cid ku dhimatay kuna dhaawacantay doorashooyinkaasi, balse doorashadii golayaasha deegaanka ee xukuumada Siilaanyo ay qabatay saddexdii sano ee ay xilka haysay ay ku naf waayeen dad tiradoodu ku dhawdahay toban qof, isla markaana ku dhaawacmeen dad gaadhaya labaataneeye qof oo ku kala dhintay Hargeysa iyo gobolka Selel, kadib markii iska horimaadyo ay dhexmareen dad ka mudaharaaday musumaasuqa doorashada iyo ciidamada Bilayska oo rasaas kala hortagay dhalinyaro aan hubaysanayn.

Xukuumada madaxweyne Siilaanyo ayaa fashilaadaha weyn ee ay dhaxashay ay ka mid ahayd, maamul xumadaii dooarshadii deegaanada ee ay qabatay oo dalka qarka u saartay burbur iyo baaba?, basle shacbiga Somaliland oo dulqaad muujiyay ay dalka badbaadiyeen inuu dumo.

Qalalaasihii iyo xiisadii ka dhalatay natiijadii codadka doorashada ee gobolka Selel gaar ahaan degmooyinka Lughayaha iyo Saylac, oo xukuumadu ay ku guuldaraysatay xalintooda ayaa gaadhay ilaa degmada Xariirad ee gobolka Selel oo dilal dhawr ahi ay ka dhaceen shaqaaqooyinkaasi oo ilaa hada ahkuwo sidoodii u taagan xilliga ay doonaan dib u qarxi kara hadaan si dhakhso ah loo soo afjarin xiisadahaasi.

Hirgelinta diiwaangalinta codbixiyayaasha xukuumada kulmiye oo laashay diiwaangalintii codbixiyayaasha ee lagu soo doortay madaxweyne Siilaanyo doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26ki June 2010kii oo la sharciyeeyey in diiwaangalin codbixiyayaal oo horleh ay xukuumadu hirgeliso horaantii 2011 si doorashada madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto badhtamaha 2015-ka, isla markaana miisaaniyadii 2012-ka lagu daray kharashkii lagu hirgelinlahaa ayaa iyaduna ilaa hada ah waxyaalaha ay xukuumadani ku guuldaraysatay inay dalka ka hirgeliso diiwaangalin codbixiyayaal oo xor iyo xalaal u dhacda, taas oo noqotay maantana far baan maydhayaaye ha ii fadhido farow.

La soco?..

 

COMMENTS
LINKS