Qiso Dhab Ah Oo Qabsatay Gabadh Soomaaliyeed Oo Ku Nool Ingiriiska Iyo Qisadaas Oo Noqoda. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qiso Dhab Ah Oo Qabsatay Gabadh Soomaaliyeed Oo Ku Nool Ingiriiska Iyo Qisadaas Oo Noqoda.
August 6, 2013 - Written by editor
Qiso Dhab Ah Oo Qabsatay Gabadh Soomaaliyeed Oo Ku Nool Ingiriiska Iyo Qisadaas Oo Noqoda.

 

Qisadan oo qabsatay gabadh Soomaaliyeed oo magaceeda lagu soo koobay Nadiifo ayaa………

Qiso dhab ah oo qabsatay gabadh Soomaaliyeed oo ku nool dalka Ingiriiska ayaa waxaa la sheegay in laga sameeyey film cajiib ah lagu jilaaya sida ay sheekadaasi ugu dhacday gabadhaas Soomaaliyeed

Qisadan oo ay qabsatay gabar Soomaaliyeed oo magaceeda lagu soo koobay Nadiifo ayaa waxaaay ku saabsnayd in gabadhaas iyadoo yar ay waalidkeed ku qasbeen inay guursato nin ay qaraabo yihiin, Gabahdaan oo ku nooleyd dalka Ingiriiska ayaa waxay hooyadeed u sheegtay inuu abtigrrd oo ku nool magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta uu aad xanuunsan yahay oo ayna tahay inay abtigaas u tagaan si ay u caawiyaan, laakiinse waxaa laga dajiyey dalka Soomaaliya halkaas oo ay kula aqal gashay iyadoo 13 sano jir ah nin ka weyn, Nadiifo ayaa waxay sheegtay inuu ninkaas ula dhaqmay si xun iyo inay tahay adeegtadiisa asagoona mar walba si xun u jirdili jirey.

Ugu dambeyntiina iyadoo dadaal dheer ka dib ay Nadiifo ku guuleysatay inay dib ugu soo noqoto dalka Ingiriiska ayaa waxaa sheekada Filmkaan jilaayey haweeney lagu magacaabo Rita Balogun oo jilaysay sheekada qabsatay Nadiifo, Sheekada filimkaan ku saabsan oo u muuqato mid lagu wacyi galinaayo inay haweenka Soomaaliyeed ee ay qabsato guurka qasabka ah ay ka gilgashaan islamarkaana laga caawin doono dhibkaas ayaa waxaa arintaan ka dambeeya heyadaha caawiya haweenka lagu dhibaateeya guurka aysan raali ka ahayn kuwaas, Nadiifo oo sida sheegtay la caawiyey ka dib markii ay la soo xiriirtey aabaheed oo asagan xiriir la sameeyey heyadaas caawisa dumarka lagu qasbo guurka aanay raaliga ka ahayn ayaa waxay ku guulaysatay Nadiifo in dib loogu soo celiyo dalka Ingiriiska.

COMMENTS
LINKS