Qarax Naftii Hurnimo Oo Saaka Aroortii Lagu qaaday Ciidanka Amisom Ee Kusugan Magaalada Baladweyne Ee Gobolka Hiiraan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qarax Naftii Hurnimo Oo Saaka Aroortii Lagu qaaday Ciidanka Amisom Ee Kusugan Magaalada Baladweyne Ee Gobolka Hiiraan.
August 27, 2013 - Written by editor

Qaraxa Ayaa ahaa Mid Dhamaan Laga wada Maqlay Magaalada iyadoona Saaka Aroortii Lala Eegtay Ciidanka Amisom Ee Kusugan

Baladweyne-(wjn)- Qaraxa Ayaa ahaa Mid Dhamaan Laga wada Maqlay Magaalada iyadoona Saaka Aroortii Lala Eegtay Ciidanka Amisom Ee Kusugan Magaalada Baladweyne Ee Gobolka Hiiraan.

Wararka naga Soo gaaraya Goobta Qaraxa uu ka Dhacay Ayaa waxaa ay Sheegayaan in Qaraxa Lala Beegsaday Xarunta Ciidanka Jabuti Ay Ku leeyihiin Bariga Magaalada Baladweyne ee Gobolka hiiraan.

Qaraxa Naftii Hurnimo Ee Saaka aroortii Lagu Qaaday Ciidanka Amisom Ee kusugan Magaalada Baladweyne ayaa illaa Iyo iminka Jirin Cidsheegatay in ay ka Dambeeyeen Balse waxaan Si Dhab Ah Loo Ogaan Karin qasaaraha uu Geystay Qaraxaasi Naftii Hurnimo iyadoona Ay Haatan Xaaladu tahay Mid Aad ukacsan

Ciidanka Jabuti Ee Saaka La?isku Miidaamiyay Ayaa Illaa Iminka wada Rasaas Ay Uridayaan afarta Jaho Ee Magaalada

Hadaba Wixii Warar

Ah Ee Ka Soo Kordhaa Weerarkaasi Kala Soco Wajaalenews.com

COMMENTS
LINKS