Qarax Miino Oo Ka Dhacay Magaaladda Kismaayo Oo Ay Ku Dhinteen Madax Dhaqameed Caanka Ah Ee Magaaladaasi Kismaayo
August 16, 2013 - Written by Wariye:
Kampala-(Wajaale News)-Qaraxa ayaa lala beegsaday gaadhi Landcruiser ah oo uu leeyahay Ugaasku ayaa waxa kale
Kampala-(Wajaale News)-Ugaas lagu magacaabo Cabdiqaadir Sheekh Axmed, oo ka mid ah madax dahaqameedyada caanka ka ah magaaladda Kismaayo iyo wiil uu adeer yahay ayaa ku dhintay qarax miino oo ka dhacay magaaladda Kismaayo.
Qaraxa ayaa lala beegsaday gaadhi Landcruiser ah oo uu leeyahay Ugaasku ayaa waxa kale oo ku dhaawacmay laba ruux oo kale sida ay xaqiijiyeen dad goob joog ahi.
Wararka ayaa ahaa mid xoogan oo laga maqlay xaafadaha Kismaayo, iyadoo goobta qaraxa ka dhacay ay gaadh een ciidamadd a raaskambooni ee maamula magaalada, waxaanay markiiba bilaabeen baadhitaano .
Ugaaska ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa odayaal
dhaqameedyadii deegaanadda sida weyn looga yaqaanay soo doortay Axmed Madoobe, iyada oo aan weli cadayn karin in gaadhiga Ugaaska ee la qarxiyay uu ahaa mid si khaas loogu bartilmaameedsaday, lama oga cida ka danbaysay masuuliyada qaraxan.