Qaar Ka Mid Ah Agoomihii Iyo Xaasaskii Mujaahidiintii SNM Oo Maanta Cabasho La Hor Tagay Xarunta Madaxtooyada Somaliland Iyo Ciidamada Amaanka Oo Xoog Ku Kala Kaxeeyey+Sawiro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaar Ka Mid Ah Agoomihii Iyo Xaasaskii Mujaahidiintii SNM Oo Maanta Cabasho La Hor Tagay Xarunta Madaxtooyada Somaliland Iyo Ciidamada Amaanka Oo Xoog Ku Kala Kaxeeyey+Sawiro
August 18, 2013 - Written by editor

Dhinaca kale intii ay agoonta iyo xaasaska mujaahidiintii SNM ku guda jireen cabashada ay la hor tageenn xarunta madaxtooyada Somaliland ayaa waxa si deg deg ah goobta u yimid ciidamada amaanka kuwaas oo xoog ku kala kaxeeyey dadkii cabanayey halka qaar ka mid ah ay ku gureen baabuurtii ay wateen iyada oo uu ku jiro mid ka mid ah saxafiyiintii goobtaas ku sugnaa.

Hargeysa(WJN):-qaar ka mid ah agoomihii iyo xaasaskii mujaahidiintii SNM ayaa maanta cabasho la hor tagay xarunta madaxtooyada Somaliland.

Dadkan cabanayey ayaa waxay sheegeen inaan waxba loo qaban isla markaana laga eryey shaqooyin ay haysteen, waxaanay tilmaameen inay xukuumada Somaliland ee wakhtigan wax badan ka sugayeen balse aanay ilaa hada waxba u qaban.

Xaaska ale haw naxariistee mujaahid

Maxamed Cali oo ka mid ahayd dadka cabashada la hor yimid xarunta madaxtooyada Somaliland ayaa waxay sheegtay in badhasaabka gobolka Togdheer uu ka eryey shaqo ay in mudo ah haysatay taas oo ay tilmaantay in lagu bedalay qof kale.

Xaaska Mujaahid Maxamed Cali Oo Soo Ban Dhigtay Cadaynta Waraaqihii Lagu Shaqaalaysiiyey Hadana Shaqadii Laga Eryey

Sidoo kale qaar ka mid ah xaasaskii ay ka tageen mujaahidiinta SNM eek u guulaystay xoraynta dalka ayaa iyaguna dhinacooda cabasho balaadhan ka muujiyey wax qabad la,aan ay ka tirsanayaan xukuumada wakhtigan ee madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Dhinaca kale intii ay agoonta iyo xaasaska mujaahidiintii SNM ku guda jireen cabashada ay la hor tageenn xarunta madaxtooyada Somaliland ayaa waxa si deg deg ah goobta u yimid ciidamada amaanka kuwaas oo xoog ku kala kaxeeyey dadkii cabanayey halka qaar ka mid ah ay ku gureen baabuurtii ay wateen iyada oo uu ku jiro mid ka mid ah saxafiyiintii goobtaas ku sugnaa.

Lama hubo inay ciidamada amaanu xidheen dadkaasi balse dadkan cabashada la hor yimid xarunta madaxtooyada Somaliland ee ah agoomihii iyo xaasaskii ay ka tageen mujaahidiintii dalkan naftooda u huray ayaa lagu qaaday baabuurta ay wateen ciidamada amaanku.

 

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS