|
|||||
WAJAALE NEWS
Nuxurka War Murtiyeed Ay Golaha Wakiiladu Ka Soo Saareen Shir Albaabadu U Xidhan Yihiin Oo Ay Saddex Maalmood Ku Lahaayeen Xaruntooda
August 31, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa (Wajaale News) – Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay kulan albaabadu u xidhan yihiin ku yeeshay golahooda. Warsaxaafadeed ay ka soo saareen ka dib markii uu shirkaasi u dhamaaday, ayaa waxa uu u dhignaa sidan Golaha Wakiilada JSL oo ah Golaha sharci dejinta 1aad, ahna golihii ugu horeeyey ee shacbigu soo doortay waxa uu yeeshay saddex fadhi oo xidhan maalimihii Axadda , Isniinta iyo salaasada ee ku taariikheysnaa 25 ilaa 27 August 2013. Fadhiga xidhan ee mudanayaasha doodo dhaadheer ka yeesheen 1. Xaalada Guud ee amni iyo nabadgelyo ee Jamhuuriyadda Somaliland . Waxay u jeediyeen baaq nabad gelyo beelaha walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhex martay degmeda oog, waxay tacsi u direen dadkii ku geeriyooday , kuwii dhaawacmayna waxay eebbe uga baryeen inuu caafimaad degdeg ah siiyo. Waxay kale oo ay shacbiga Somaliland ugu baaqeen inay ilaashadeen nabadgelyada, wada noolaashada iyo wadajirka geesna uga soo wada jeestaan cadawga Somaliland. 2. Arrimaha dhallinyarada , shaqo la,aanta iyo tahriibta. Waxa goluhu ugu baaqay dhallinyarada Somaliland inay dalkooda hooyo aaminaan Waxa Goluhu ugu baaqay xukuumadda , shirkadahaiyo ganacsatada waaweyna Inay sameeyaan mashaariic shaqo loogu abuurayo dhallinyarada Waxa Goluhu u soo jeediyey xukuumadda iyo shacbiba si adag loola dhagaalamo shabakadaha dembiilayaasha ah eek u foogan ama ku hawlan tahriibinta dhallinyarada Waxa Goluhu isla qaatay inay qayb muhiim ah ka noqdaan wacyi gelinta dhallinyarada ee tahriibta. 3. Maadaama sidaan ka war qabno khasaare badan oo naf iyo malaba lihi ka dhasho dooxyada xili roobaad kasta gaar ahaan dooxyada kuwa u dhaxeeya Hargeysa iyo Berebera, waxa goluhu ugu baaqay deeq bixiyayaasha iyo xukuumadda in loo qorsheeyo dhismo biirjyo (bridges). 4. Waxa Goluhu xukuumadda u soo jeediyey iyada oo fulinaysa ku dhaqanka dastuurka ay Golaha Wakiilada u soo gudbiso heshiiyada ay gasho. 5. Isaga oo fulinaya wajibkiisa dastuuriga ah, waxa Goluhu soo jeediyey in la xoojiyo dab galka Xukuumada. 6. Maciishada iyo sicir bararka. Iyada oo heerka shaqo la,aanta shacbiga Somaliland aad u sareeyo, sanadihii ugu dambeeyeyna macashiidu kor u kacaysay sicir barar joogta ahina jiray, waxa Goluhu baaqa u jeediyey xukuumadda JSL inay qaado talaabooyin lagu xakameynayo sicir bararka iyo ascaarta ama qiimaha badeecadaha Sidoo kalena waxay ganacsatada JSL u soo jeediyeen inay u naxariistaan shacbiga Somaliland ee danyarta ah ee maciishadu ku sii adkaaneyso. 7. Waxa kale oo mudanyaashu dood adag ka yeesheen Wanaajinta iyo tayeynta maamulka Golaha. Xoojinta Xil gudashada mudanyaasha iyo ilaalinta saacadaha shaqada Dardar gelinta shaqada guddi hoosaayadda Golaha Wajaale News Related posts:Siyaasi Maxamed Cabdilaahi Bookh Oo Ka Hadlay Mudoharaadka Ay Shaaciyeen Mucaaridka Iyo Diyaar Garow... Daawo:Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Kali Talisnimo Ku Sifeeyay Xukuumada Madaxwayne Biixi Kuna Go... Daawo:Xisbiga Kulmiye Oo Ka Hadlay Wada Hadalkii Dhicisoobay EE ay Kula Jireen Garabkii Jamaal Cali ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|