|
|||||
WAJAALE NEWS
M/Weyne-xigeenka S/land, Musharaxa Madaxweynenimo Ee Xisbiga UCID & Masuuliyiin Kale Oo Xalay Ka Qayb-galay Kulan Lagu Beegay Sannad-guurada 21aad Ee HAVAYOCO Laguna Gorfeeyey Joojinta Tahriibta & Shaqo-Abuurista Dhalinayrada SAWIRRO
August 24, 2013 - Written by editorHargeysa (WJN):- Madax kala duwan oo uu ka mid ahaa Madaxweyne-xigeenka Somaliland Md C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), Musharraxa Madaxweynenimo ee Xisbiga UCID Md Jamaal Cali Xuseen, Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Dhalin-yarada Iyo Ciyaaraha Cali Saciid Raygal, Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Maxamuud Axmed Barre Garaad, Guddoomiyaha Hay?adda HAVOYOCCO Mr Ismaaciil, Agaasiymayaal Iyo Marti-Sharaf isugu jirtay Qurba-joog Iyo Qolqol-joogta dalka ayaa xalay ka qayb-galay kulan lagu qabtay Maansoor Hotel. Kulankan oo ay soo agaasintantay Hay?adda Waddinga ah ee HAVOYOCO, kuna beegtay 21-tan guuradii kasoo wareegtay xilli-aasaaskeedii ayaa si mug leh loogu gorfeeyey habkii loo joojin lahaa Tahriibta isla markaana Shaqooyin loogu abuuri lahaa dhalinyarada Somaliland. Guddoomiyaha Hay?adda HAVOYOCCO oo ugu horreyn madashaasi ka hadlay ayaa sharraxay ujeedada Kulankaasi oo uu xusay inay gun-dhig u tahay dood ku saabsan habkii la iskugu xidhi lahaa Ganacsada, Qurba-joogta, Hayadaha Dawaladda Iyo Hayadaha Rayidka, si buu yidhi shaqooyin loogu abuuro dhalinyarada. Mr Ismaaciil waxa uu hambalyeeyey Xubnaha kala duwan ee Hay?adda HAVOYOCO, oo 21 Sanno ay kasoo wareegtay markii la aasaasay. Waxaanu carrbka ku dhuftay Afar xubnood oo madasha joogay tiirar adag-na u ah hay?adda magacyadooduna kala yihiin Abwaan Axmed Aw-Geeddi, Maxamed Cumar, C/karim Axmed Mooge Iyo waliba guddoomiyaha laftiisa Mr Ismaaciil. Guddoomiyaha ayaa Tacsi iyo Baaq nabadeed u diray Beelaha walaalaha ah ee ku diriray deegaanka god-heelli ee degmada Oog. Waxa kale oo Tacsi gaar ah u diray Suldaan Barre Warsame Shire, waxaanu Ilaahay ka baryey inuu Samir iyo Iimaan ka siiyo guud ahaan bulshada gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay. M/weyne-xgeenka Md Saylici, Musharraxa UCID Md Jamaal, Wasiirka Shaqada Md Garaad, Wasiirka Dhalinyarada Md Raygal iyo Wasiirka Khaarajiga Md Biixi oo dhammaantood madashaasi ka hadlay ayaa si mug leh ugu axadhay dhibaatada tahriibta iyo sidii looga bixi lahaa. Waxaanay hoosta ka xarriiqeen sidii la iskaga kaashan lahaa Shaqooyin loo abuuro dhalin-yarada. Masuuliyiintiisi waxay tooshka ku qabteen, halka ay salka ku hayso aafadan qaran ee tahriibtu, iyagoo diiradana saaray sidii xididada loogu siibi lahaa. Waxaanay ka dhawaajiyeen in Xukuumad iyo Shicibba la iska kaashado lana mideeyo barnaamijyada ka hor-tagga Tahriibta iyo Shaqo-abuurista dhalinyarada. Sidoo kale waxay xuseen qurba-joogta iyo sidii ay u aamini lahaayeen dhulkood, maal-gashina ugu sameyn lahaayeen, isla markaana lacagaha adag ee dhiska guryaha ay galinayaanna ugu leexin lahaayeen dhanka Shaqo-abuurista. Sidoo kale waxay carrabaabeen sidii dhalinyarada jaamacaduhu ay shaqooyinka u abuuran lahaayeen isla markaana ay uga faa?iidaysan lahaayeen khayraadka kala duwan ee dalkeenu dihin yahay. Iyagoo dhinaca Sharikadaha kala duwanna ugu baaqay inay shaqooyin hor leh ay iyaguna sameeyaan. Ugu dambayntii waxaa halkaasi gondaha la isku daray dood ay daadihinayeen koox kala duwan oo kala metelaysay dhinaca xukuumadda, Qurba-joogta, Qolqol-joogta, Iyo dhalinyaradaba. Waxaanay lagu lafa-guray sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha hor taagan dhalinyarada ee dhanka shaqo-abuurista. Iyadoo udub-dhexaadna laga dhigay sidii iskugu xidhi lahaa Ganacsada, Qurba-joogta, Hayadaha Dawaladda Iyo Hayadaha Rayidka.
WAJAALE NEWS DESK
HARGEISA OFFICE CONTACT US : Wajalenews@gmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|