Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne Oo Digniin Culus Ka Bixiyey In Ooda Laga Qaado Shacbigii Loo Taxaabey Taageerada Golaha Wadatashiga ee Tuulada Abdaal | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne Oo Digniin Culus Ka Bixiyey In Ooda Laga Qaado Shacbigii Loo Taxaabey Taageerada Golaha Wadatashiga ee Tuulada Abdaal
August 1, 2013 - Written by editor

Hargeysa(WJN)-Mujaahid Ibraahim C/laahi Xuseen(dhagaweyne), oo kamid ah Xubnaha Siyaasiyiinta ah ee dhawaan  Ku dhawaaqay Golaha Wadatashiga  & toosinta :

 

Hargeysa(WJN)-MujaahidIbraahim C/laahi Xuseen(dhagaweyne), oo kamid ah Xubnaha Siyaasiyiinta ah eedhawaan Magaalada Hargeysa kaga Dhawaaqey Golaha Wadatashiga iyo ToosintaQaranka ayaa, Xukuumada usoo jeediyay in ay Ooda ka Qaado dadkii Shacbiga ahaaee loo taxaabay Tuulada Abdaal Taageerada ay u muujiyeen Golaha Wadatashiga iyoToosinta Qaranka.

 

Mujaahid Ibraahim C/laahi Xuseen(dhagaweyne) oo caawa u waramey Warbaahinta ayaa Sheegayin uu Xukuumada ka dalbanayo in ooda laga Qaado dadkaasi rayidka ah ee ayCiidamadu Boolisku ka taxaabeen Tuulada Sheekh-abdaal oo katirsan Degmada Mandheera ee Gobolka Saaxil oo loo taxaabay Xabsiga Magaalada Berbera,Dadweynahaas

 

oo tobaneeyo qof ahaa oo ay kujiraan Dumar iyo caruur islamarkaana, taageero umuujiyay Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka, Waxauu Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne xusey in ay ka fiirsan doonaan wadahalada lagu dhexdhexaadinayo Xukuumada hadii aan dadkaasi ooda laga Qaadin.

Waamarkii u horeysay ee tan iyo intii ay Salaadiinta Somaliland bilaabeen ergada dhexdhexaadinta Xukuumada iyo Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranku uuMujaahid Ibraahim Dhagweyne ka hadlo Arimahan ka taagan Gobolka Saaxil, iyadooGobolkaasina, wakhti xaadirkan ku jiro marxald aad u Xasaasi ah, oo ku sahabsanDareenka Xukuumada ka qabto Taageerada ay u muujinayaan Reer Saaxil Golahan Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka.  

Wajaale News Desk

Hargeisa Office

wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS