|
|||||
WAJAALE NEWS
Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali oo soo Bandhigay Waxyaabo Somaliland ku Kasban Karto Ictiraaf.
August 18, 2013 - Written by editorSi aynnu garteenna u akhrisanno waxa muuqata markaynnu innagu in badan wada fadhinno inay aakhirka midhihii noqon doonto.
Hargeysa (WJN)- Madaxweyne-ku-xigeenkii labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo muddo dheer af-xidhnaa fagaarayaasha siyaasadda, ayaa soo jeediyey talooyin uu sheegay in Somaliland kaga midho-dhalin karto qaddiyadda madaxbannaanida, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay isku duubnida beelaha darafyada iyo guud ahaan shacabka Somaliland. Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali oo hadal ka jeediyey xidhitaanka shir lagu gorfaynayey faa?iidada iyo khasaaraha wadahadalladii Somaliland la gashay Soomaaliya oo lagu soo afmeeray shalay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa uu ugu baaqay xukuumadda inay shacabka u soo bandhigto wax kasta oo uga qabsoomay shirarka caalamiga ah ee khuseeya qaddiyadda madaxbannaanida qaranka. ?Himilada aynnu wadahadalkan ka leenahay waxa weeye in Somaliland la ictiraafo, taas ayaana loo socdaa. Markaa si aynnu ugu guulaysanno wadahadalkaas waxa halkan ka muuqata inaynnu u baahannahay inaynnu aad u fikirno oo si cilimiyeysan oo diyaargaraw badan ku jiro madasha lagu shirayo ee lagu wadahadlayo u tagno. Si aynnu garteenna u akhrisanno waxa muuqata markaynnu innagu in badan wada fadhinno inay aakhirka midhihii noqon doonto. Dawladihii jiray laga soo bilaabo 1991kii oo Cabdiraxmaan Axmed Cali ka madax ahaa in bay dhaqaajisay. Dawladaha qaar baa mala is leh tiinan uun baa wax dhaqaajisay, waa 1991 oo aynu ugu diciifsanayn oo aynu ugu jilicsanayn raadinta ictiraafka, tallaabooyin bay qaadeen,? ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Axmed Aw Cali. Muj. Cabdiraxmaan Axmed Aw Cali waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay waxyaabo la iskaga celiyo dadka ka soo horjeeda qaranimada Somaliland, kuwaasoo uu ku tilmaamay inay yihiin midnimo iyo isku duubni, waxaannu yidhi; ?Waar intay wadahaladu socdaan waxa la inooga baahan yahay hadday ta ugu xumi timaado oo la yidhaa waxba la idiinma ogola, haddii aad haysato midnimada dadkaaga iyo jiritaanka dawladnimo, haddii maamulkaagu meel walba gaadho, ummaddaduna isku duuban tahay, haddii caddaaladdi dhexdeena ka jirto, haddii wada lahaanshaha dalkan la wada leeyahay oo mar marka ka sii dambaysa loo sii dhawaado oo beelaha darafyada waliba bariga intii loo sii dhawaan karo loo sii dhawaado si loo xaqiijiyo inaynu wada difaacanayno qadiyadan iyada ah oo aynu gacmaha is qabsano, waxa la sheegaayo oo dhan taasa ka muhiimsan, marka taas la helo wax alaale wax ku hor-joogsanaya ma jiraan, haddii kale Khaatumo ha lagaga soo qayliyo amma qolo Awdal State sheeganaysa oo kaba shaagle ah halkan ha ka soo baxdo oo ha tidhaahdo maba jirto Somaliland, waar waxaas oo dhan wax inaga celiya la raba oo laga wada hadlo oo la isu yimaado oo nin hulaab xun inuu wax qarsanaya la mooda, dawladduna iyadoo dadaalaysa inay wax qarsanaysa la mooda.?
WAJAALE NEWS DESK
CONTACT US : Wajalenews@gmail.com
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|