Maxkamada Milatariga Maraykanka Oo 144-Sanadood Ku Xukuntay Bradley Manning Oo Ahaa Ninkii Macluumaadka Siiyay Wikileaks (Video/Sawiro) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxkamada Milatariga Maraykanka Oo 144-Sanadood Ku Xukuntay Bradley Manning Oo Ahaa Ninkii Macluumaadka Siiyay Wikileaks (Video/Sawiro)
August 1, 2013 - Written by editor

Bradley Manning oo shan iyo labaatan jir ah ayaa xukunkani ka baajinayaa in dil lagu xukumo, laakiin waxa ku dhacay xukunkii ugu adkaa, askarigan oo ka dagaal galay dalka Ciraaq, ayaa noqday ninkii sirta ugu badan, siiyay shabakada

 

Fort Meade, (WJN/Agencies):- Maxkamad Milatari oo ku taala dalka Maraykanka ayaa Askari dhalinyaro ah, oo ku eedaysan inuu bixiyay xogtii iyo sirihii shabakada Wikileaks, daabacday, ku xukuntay boqol iyo afar iyo toban sanadood oo xadhig ah ama xabsi xukunkiisu gaadhayo 114-sano.

Askarigan oo lagu magacaabo, Bradley Manning, ayay Maxkamadu ku eedaysay 19-danbi oo ka mid ah kuwii lagu soo oogay, oo dhamaantood la xidhiidha inuu bixiyay sir ciidan, laakiin waxa ay maxkamadu diiday in ninkaasi taageeray cadowga Maraykanka, waxa kale oo ay maxkamadu waxba kama jiraan ka soo qaaday, qodob kale oo ka mid ah danbiyadii lagu soo oogay.

 

Bradley Manning oo shan iyo labaatan jir ah ayaa xukunkani ka baajinayaa in dil lagu xukumo, laakiin waxa ku dhacay xukunkii ugu adkaa, askarigan oo ka dagaal galay dalka Ciraaq, ayaa noqday ninkii sirta ugu badan, siiyay shabakada maamulaheedi dhuumashada labada sanadood ugu jiro safaarada Ecuador ee dalka Ingiriiska Julia Asang, waxaanay baahiyeen in ka badan 700-kun oo dokomantiyo sir ah oo la xidhiidha, ciidamada iyo dublamaasiyiinta Maraykanka.

WAJAALE NEWS OFFICE

  KENYA NAIROBI

 

COMMENTS
LINKS