Marwada Koowaad Ee Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Oo Safar Qarsoodi Ah Ku Timi Hargaysa Iyo Safarkan Kii Ka Horeeyay Oo Qasriga Madaxtooyada Somaliland Loogu Sameeyay Casuumad. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Marwada Koowaad Ee Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Oo Safar Qarsoodi Ah Ku Timi Hargaysa Iyo Safarkan Kii Ka Horeeyay Oo Qasriga Madaxtooyada Somaliland Loogu Sameeyay Casuumad.
August 17, 2013 - Written by editor
Marwada Koowaad Ee Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Oo Safar Qarsoodi Ah Ku Timi Hargaysa Iyo Safarkan Kii Ka Horeeyay Oo Qasriga Madaxtooyada Somaliland Loogu Sameeyay Casuumad.

 

maaha safarkii ugu horeeyay ee ay ku timid ee waxaa jiray safaro kale oo qarsoodiya.

Hargaysa (WJN)- Amina Abiib Cilmi oo ah Marwada Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa sida aanu ilo wareedo ku helnay ay noo sheegayaan in ay ku timid caasimada somaliland socdaal qarsoodi ah lana ogaaday markii ay ka ambabaxday hargaysa.
Maaha markii koobaad ee ay marwada madaxwaynaha maamulka puntland ay hargaysa ku timid waxaa jiray oo lanoo xaqiijiyay in ay marwadu ay timid marar hore , safaradaas oo ahaa mid qarsoodiya oo anay warbaahintu aanay waxba kala socan laakiin waxaa jiray safarkan imika safarkii ka horeeyay in marwada madaxwaynaha puntland Amina Abiib Cilmi loo sameeyay casuumad kana dhacday qasriga madaxtooyada somaliland casuumadaas oo loo dhamaa oo ay qayb ka ahayeen wasiiro iyo masuuliyiin culculus oo ka tirsan somaliland walaw aan lanoo xaqiijin safarkaa hore wixii kasoo baxay iyo ujeeda ay u socotay marwo aamin abiib cilmi.
Si kastaba ha ahaate maaha wax lala yaabo in marwo gabadh ah ay timaado somaliland waxaa marar hore dhacday in somliland ay si toos ah u yimaadaan masuuliyiin ka tirsan somaliya waliba xilal culculus ka haya dawlada federalka in ay soo gaadhaan magaalooyinka somolailand iyadoo laga warqabo oo aan wax talaabo ah laga qaadin taas oo xukuumaduna ay indha ka qarsato waxaa ugu danbeeyay safarkii wasiirka arimaha gudaha somaliya u ku marayay magaalada berbera walaw wararka qaar ay sheegayeen in uu maalmo joogay magaalada berbera.

 

 

WAJAALE NEWS DESK

 

Reporter Hargeisa

COMMENTS
LINKS