Markab Dagaal Oo Laga Leeyahay Dalka Kuuriyada Koonfureed Oo Badbaadiyay Badmaaxeyaal La Socday Dooni Xoolo Ka Qaaday Berbera Oo Degtay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Markab Dagaal Oo Laga Leeyahay Dalka Kuuriyada Koonfureed Oo Badbaadiyay Badmaaxeyaal La Socday Dooni Xoolo Ka Qaaday Berbera Oo Degtay
August 5, 2013 - Written by editor

Bad-Maaxeyaashan oo ay tiradoodu ahayd (11) nin ayaa u kala dhashay wadamadda Hindia, Yeman iyo Somaliland.

Makhala (WJN) – Markab kuwa dagaalka ah oo laga leeyahay Dalka Kuuriyada Koonfureed  ayaa la sheegay in uu soo samato bixiyay 11 badmaaxe oo saarnaa Doonidiii dhawaan ka goosatay Dekeda Magaalada Berbera ee xoolaha u siday dalka Yeman.

Bad-Maaxeyaashan oo ay tiradoodu ahayd 11 nin ayaa u kala dhashay wadamadda Hindia, Yeman iyo Somalia.

Dalka Hindiya ayaa waxa u dhashay 8 Badmaaxe, 2 ayaa iyaguna u

hashay dalka Yeman halka kalena uu ahaa Somalilander.

Markabkan kuwa dagaalka ah ee laga leeyahay dalka Kuuriyadda Koonfureed ayaa hadda ku sii jeeda Marsadda Makhala, waxaana sidaas noo xaqiijiyay Guddoomiyaha  Tawfiiq Shipping Agency Yuusuf Cali Nuur oo aanu la xidhiidhnay.

WAJAALE NEWS DESK

      Hargeisa Office

 

COMMENTS
LINKS