Magaalada Hargeysa Oo Maanta Laga Furay Carwada Lagu Soo Bandhigayo Buugaagta Ee International Book Fair+Sawiro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Magaalada Hargeysa Oo Maanta Laga Furay Carwada Lagu Soo Bandhigayo Buugaagta Ee International Book Fair+Sawiro
August 16, 2013 - Written by editor

Bandhigan buugaagta oo sanadkii lixaad ee la qabto ay noqonayso waxa lagu soo bandhigaa buugaagta kala duwan oo ay qoreen qorayaasha somaliyeed

Bandhiga carwadan ayaa ka wax aka soo qayb galay wasiirka madaxtooyada Somaliland mudane xirsi xaaji cali xasan guddomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee ucid eg.faysal cali warabe qoraa,hal-abuuro abwaano aqoonyahano iyo marti sharaf kale oo badan.

Carwadan oo saaka si rasmi ah uga furmatay magalada Hargeysa bandhiga caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa(Hargeysa International Book Fair) kaas oo sanad walba lagu qabto Hargeysa.Bandhigan buugaagta oo sanadkii lixaad ee la qabto ay noqonayso waxa lagu soo bandhigaa buugaagta kala duwan oo ay qoreen qorayaasha somaliyeed iyo kuwa dunida kale kuwaas oo ku qoran luuqado kala duwan.

Bandhigan sanad walba marka lagu qabto Hargeysa ayaa waxa lagag hadlaa waxyaaba badan oo ku taxaluqa dhinaca qoraalka,suugaanta iyo dhaqanka oo sanad walba lagu soo marti qaado dadka ugu horeeya dhinaca sugaanta iyo hal abuurka,si taasi la mid ahna waxa saaka soo xaadiray madashii ay ka dhacday furtaankii xafladani qoryaal Somali ah oo kala yimid guud ahaan dhulka ay somalidu degto iyo waliga sugaanyahano iyo qorayaal kala socday qaar ka mid ah wadamada qaarada Afrika siiba wadamada Kenya iyo Nigeria.

sidoo kalena waxa ka soo qayb-galay wafti ka socday safarada Ingiriiska ee dalka Kenya iyo waliba haldoork suxufiyiinta somalida.

Bandhigan oo socon doona mudo lix cisho ah waxa lagu lafo guridoonaa isbadalada ku yimid hab nololeedka bulshada somalida iyo sidii wax yaabo wax ku ool u ah bulshada iyo dhaqanka loo iftiimin lahaa.

Ayadoo sanad walba meel diirada la saaro ayaa waxa sanadkan halku dhig looga dhigay SOCDAAL taas oo macanah eraygan oo balaadhan looga dhigan lahaa yool iyo u jeedo.

Ugu dambaytii waxa goobtaasi maanso aad u xiiso iyo murtiba badnayd ka soo jeediyey Abwaanka caanka ah ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)oo isagu kalmadan so mug leh u qeexay isla markaan qeexay qiimah gabadha soomaliyeed ay leedahay marka laga eegayo dhinaca dhaqanka iyo sida laysugu tixgaliyo.

WAJAALENEWS DESK

Hargeisa Office

Yuusuf jamac xirsi

Contact Us : 00252634429381

COMMENTS
LINKS