Madaxweyne silaanyo oo la filayo in uu maalinta Berri ah Xadhiga ka Jari Doono Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal international airport | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne silaanyo oo la filayo in uu maalinta Berri ah Xadhiga ka Jari Doono Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal international airport
August 16, 2013 - Written by editor
Madaxweyne silaanyo oo la filayo in uu maalinta Berri ah Xadhiga ka Jari Doono Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal international airport

 

furitaanka garoonka oo aad loo naawilayey baryahanba iyo garoonka oo la sheegayo in aan loo samayn sidii loogu tallo galley dhaliilona ka soo bixi karaan………..

Hargeisa(WJN)Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo) ayaa lagu wadaa inuu maalinta berri ah si rasmi ah xadhiga uga jaro, iyadoo uu jiro walaac ballaadhan oo laga qabo shaqada illaa haatan laga qabtay oo Garoonka oo la sheegay inay lacag badani ku baxday.

Dhaliishan ayuu madaxweynaha laftiisu si cad u daliishaday ka dib markii uu dhinac ka dhaafay waxyaabaha uu wasiirkiisu u sheego markii uu dhamaadkii bishii ramadaan isagoon la socodsiin wasiirkiisa booqasho gaaban oo indho-indhayn ah ku tegey Garoonka.

Shaqadan Garoonka ayaa socotay muddo ka badan laba sano, iyadoo lacag aad u badana loo qoondeeyey garoonka, iyadoo sida muuqatana aan wax shaqo ah oo sidaas u sii buuran aan laga qaban garoonka illaa iyo hadda.

Madaxda Mucaaradka Somaliland, ayaa iyagu dhawr goor si ba’an u dhaliilay hawlaha ka socda Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, iyagoo ku andacoon jirey inaan sidii la rabay loogu hagar bixin shaqada.

Shaqada ilaa hadda laga qabtay garoonkan ayaa ah mid dhal-dhalaalin iyo Qurxin u badan, iyadoo aanay jirin haba yaraatee wax cusub oo garoonkaas lagu soo kordhiyey.

Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa isagu mar walba sheegta inuu shaqo adag oo u qalanta lacagtii loo qoondeeyey garoonka uu ka qabtay, walise taasi garoonka kama muuqato.

Meelaha uu wasiirku wax ka qabtay, ayaa u badan dhabbada diyaaradaha (run way) ayaa iyada si aad ah loo dayac tiray, balse ma aha wax cusube waa la kabkabay oo dahaadho cusub ayaa la saaray, waxana aan meesha jirin Dhismeyaashii cusbaa ee laga filayey inuu wasiirku ka hirgeliyo garoonka.

Meelaha kale ee wasiirku ku fashilmay ayaa ah inaan wali la hirgelin Terminallo cusub oo la filayey, iyadoo Dhismaha Guud ee Garoonkana kaliya la saaray Marmar bilic leh oo aan wax kale lahayn.

Sidoo kale meelaha Parkings-ka ah ee Garoonka oo la filayey in la dhiso oo la casriyeeyo, ayaan wax shaqo ah laga qabanin, waxana uu madaxweynuhu indhihiisa ku soo arkay wax ka duwan wixii uu wasiirkiisu u sheegay, iyadoo ballantu markii hore ahayd in la furo maaliinta ciidda, balse booqashadii madaxweynuhu ay arrinta wax ka bedeshay.

Madaxweyne Siilaanyo oo furi doono Garoonka ayaan laga filayn inuu bannaanka keeno dhaliilaha ka jira shaqadii garoonka laga filayey, waxana la filayaa sidii uu caanka ku ahaa inuu afkiisa ka sheego inay tani ka mid tahay waxqabadka xisbiga Kulmiye.

Badiba masuuliyiinta dawladda iyo xisbiga Talada Haya ee Kulmiye, ayaa la filayaa inay munaasibadaas ka qaybgalaaan, waxana laga yaabaa inay sidoo kale ka qayb galaan masuuliyiinta xisbiga Waddani iyo Xubno ka mid ah Golayaasha Baarlamaanka oo halkaas weedho laddifan ka jeedin doona.

Dhinaca kale wax soo baxaya warar sheegaya inaan saxaafadda loo ogolaan doonin inay Garoonka foodda Geliyaan marka laga reebo dhawr Tv oo ka qaranku ugu horreeyo, waxana la sheegay inay arrintaas ka dambayso xukuumaddu, iyadoo marmarsiinyo ka dhiganaysa shaki dhinaca ammaanka ah maalmahan Somaliland ka jirey.

 

 

Wajaalenews Desk

 

Hargeisa Office

COMMENTS
LINKS