|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Oo Raysal wasaare David Cameron Ka Codsaday Inuu Hoos u eego Talaabada Baanka Barclays Ee Ku Aaadan Xawaaladaha somalida
August 11, 2013 - Written by editorItoobiya ayaa qormadeeda ay toddobaad kasta ku falanqayso waxyaabaha ka jira gobalka Geeska Afrika, waxay ku sheegtay in Madaxweyne Siilaanyo Raysalwasaaraha Ingiriiska David Cameron u qoray qoraal…
![]() Inkastoo aanay madaxtooyada Somaliland meelna ka sheegin in madaxweyne Siilaanyo ku biiray madax iyo dad kale oo magac leh oo dawladda Ingiriiska cadaadis ku saaraya inay kala hawlgalaan sidii loo baajin lahaa go,aamada uu Baankaasi saarayo xawaaladaha, haddana wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa qormadeeda ay toddobaad kasta ku falanqayso waxyaabaha ka jira gobalka Geeska Afrika, waxay ku sheegtay in Madaxweyne Siilaanyo Raysalwasaaraha Ingiriiska David Cameron u qoray qoraal
uu kaga dalbanayo inuu farogeliyo arrinta Baanka Barclays oo cadeeyay inuu joojin doono la shaqaynti xawaalado tiro badan oo dunida laga leeyahay. Wasaaradda khaarajiga Itoobiya may bixin faahfaahin dheeraad ah, waxase ay warkeeda ku soo koobtay codsiga Madaxweyne Siilaanyo u diray David Cameron. Madaxweynaha Somaliya ayaa isna hore ugu qoray dawladda Ingiriiska dhambaal uu kaga codsanayay in laga hawlgalo sidii uu Baankaasi uga noqon lahaa go?aanka uu gaadhay, waxaanu qoraalkiisa ku baahiyay warbaahinta.
Haddii uu Baanka Barclays kaga dhabeeyo go,aankaas waxa la saadaalinayaa inay saamayn dhaqaale ku yeelato gobalka Geeska Afrika, waxaana suurtogal ah inay Baanan kale oo reer Yurub ahi ku dhaqaaqaan go,aankiisa oo kale. Wajaale Desk News
Contact Wajalenews@gmail.com Hargeysa OFFice Related posts:Xisbiga Ucid oo Sheegay in Wasarada Arrimaha Guduhu ay Aqbashay in ay Banaan Bax Salmi ah Dhigaan ka... Shaqaalaha Muruq maalka ah Ee Reer Somaliland Oo Cabasho ka Muujiyay Ajaanib Shaqadii Kala Wareegay ... “Madaxweynuhu Wuxuu Golaha Baarlamaanka Kaga Hor Faanay Mashruuc Maamul Gobolleed U Aqoonsan Somalil... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|