Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Si Dad-ban Ula Hadlay Siyaasiyiinta Ku Bahoobay Madasha Wada-tashiga Iyo Toosinta Qaranka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Si Dad-ban Ula Hadlay Siyaasiyiinta Ku Bahoobay Madasha Wada-tashiga Iyo Toosinta Qaranka
August 24, 2013 - Written by editor

Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka si dad-ban ula hadlay Siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha wada-tashiga

 

Hargeysa(WJN):-Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka si dad-ban ula hadlay Siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka, kuwaasoo uu u soo jeediyey inay ka mid noqdaan Axsaabta siyaasadeed ee dalka.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sidaas ku sheegay War uu siiyey qaar ka mida Warbaahinta dalka, waxaanu yidhi “Saddexda xisbi waxa loo sameeyay in dadku ku kala biiraan oo halkaa qolo waliba wax ka sheegaan, cidii hadhay ku biirto saddexaa xisbi,

goleyaashu waxay ka soo baxaan saddexda xisbi haday tahay gole deegaan iyo haddii ay tahay Golaha Wakiillada, markaa waxaan leeyahay halka ugu mihiimsan ee wax laga sheegi karaa waxa weeye saddexda xisbi qaran.” Ayuu yidhi

Axmed Yuusuf Yaasiin waxa kale oo uu tilmaamay ujeeddooyinka laga lahaa aasaaska hanaanka Xisbiyada badan, waxaanu yidhi “Xisbiyada waxaan u samaysanay in wixii tallo iyo toosin ah aan ka sheegno haddii aan taa loo baahnayn, xisbiyada aan iska baabi?ino, waxaan ku talin lahaa ninkii wax mucaaridaya ama wax toosinaya ama ninkii tallo keenaya saddexda xisbi ha ka mid noqdo.Haddii kale waxay noqonaysaa dabo furan oo qolo waliba tidhaa waxaan samaysanaynaa meel toosina ragana leh wax baan toosinaynaa rag baa ku jira xisbiyada Faysal waxaan leeyahay ragan wax toosinaya xisbiyada keen oo halkaa ha ka toosiyaan.”Ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland.

WAJAALE NEWS DESK

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS