Madaxwayne Siilaanyo oo Tacsi u diray Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay Marxuum Cabdi Aw Cumar Kulmiye oo ka mid ahaa Nabadoonada Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Siilaanyo oo Tacsi u diray Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay Marxuum Cabdi Aw Cumar Kulmiye oo ka mid ahaa Nabadoonada Gabiley.
August 17, 2013 - Written by editor
Madaxwayne Siilaanyo oo Tacsi u diray Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay Marxuum Cabdi Aw Cumar Kulmiye oo ka mid ahaa Nabadoonada Gabiley.

 

Marxuumka oo ku geeriyooday 16/08/2013 Gabiley waxa uu madaxweynuhu ku sifeeyey oday dhaqameed……

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland guud ahaanba isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid ALLE HA U NAXARIITSEE MARXUUM CABDI AW CUMAR KULMIYE Oo ka mid ahaa Nabad-doonada waa weyn ee Gobolka Gabiley, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo is dhexgalkii beelaha somaliland wada dega.
Marxuumka oo ku geeriyooday 16/08/2013 Gabiley waxa uu madaxweynuhu ku sifeeyey oday dhaqameed miisan culus ku lahaa bulshada, waxaanu Madaxwaynuhu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
LINKS