Madaxwaynaha SL oo Caawa ku dhawaaqay waqtiga uu bixinayo Darajooyinka Ciidamada Qaranka SL | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha SL oo Caawa ku dhawaaqay waqtiga uu bixinayo Darajooyinka Ciidamada Qaranka SL
August 5, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa (Wajaale News)- Madaxwaynaha SL oo Caawa ku dhawaaqay waqtiga uu bixinayo Darajooyinka Ciidamada Qaranka SL. Madaxwaynuhu wuxuu sheegay in Maalinta Ciida ee fooda inagu soo haysa ay bixin doonaan Darajada Ciidamada. sidaa waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed caawa ka soo baxay Qasriga oo u dhignaa sidan:

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu caawa dhaqan geliyey xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1948/082013 oo ku salaysan bixinta Derejooyinka Ciidamada kala duwan ee qaranka Jamhuuriyada Somaliland.    

Madaxweynuhu

Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad, Faqradiisa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                          In ay lagama maarmaan tahay in Dhamaan Ciidamada Qaranka la siiyo Derajooyin ay mutaysteen;

Markuu Tixgeliyey:                    Magacaabidii Guddida Hirgelinta Derajo-bixinta iyo talo bixintoodii;

Markuu Tixgeliyey:                    Talo soo jeedintii Guddida Nabad-gelyada Qaranka ee Derajo Bixinta khusaysa;

Markuu Garwaaqsaday:            Xilka naf-huridda iyo heeganka joogtaysan ee Qarankan u hayaan;

Markuu Ku-qancay                   In bixinta derajada Ciidamadu ay kor u qaadi doonto Milgaha iyo Sharafta Ciidamadeena iyo Haybadda Dawladnimo;

 

WUXUU GO’AANSADAY

 

Dhamaystirka Derajada Ciidamada kala duwan ee Qaran in ka badan 10,000 oo Askari oo u dallacay derajooyin kala duwan ee u dhexeeya Alifle ilaa Sareeye-Gaas, isla markaana Madaxweynuhu wuxuu go’aamiyey in Dhamaan Ciidamada loo kordhiyo Gunno Derajo iyadoo lagu salaynayo Derajada iyo dallacaada kala duwan, korodhka Gunnada Derajada oo ka bilaabmaya September 2013. Waxaa la farayaa Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan in derajooyinka si rasmi ah loo bixiyo munaasabadda Ciidal-Fidriga.

 

ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
LINKS