|
|||||
WAJAALE NEWS
Maareeyaha Shirkadda Dahabshiil Group Md.C/rashiid Maxamed Siciid waxa uu u Hagar Baxay U doodista Badbaadinta,Xaquuqda iyo Xaqa Xawaaladaha Somaliland iyo Kuwa Soomaliyaba Ee Aduunka.
August 21, 2013 - Written by editorMaareeyaha Shirkadda Dahabshiil Group Md.C/rashiid Maxamed Siciid waxa uu u Hagar Baxay U doodista Badbaadinta,Xaquuqda iyo Xaqa Xawaaladaha Somaliland iyo Kuwa Soomaliyaba Ee Aduunka.
“Nina Dhaqashuu kuugu dhabar jabay ,Nina dhuunuu kuu dhex jooga
Maareeyaha Shirkadda Dahabshiil Group Md.C/rashiid Maxamed Siciid waxa uu u Hagar Baxay U doodista Badbaadinta,Xaquuqda iyo Xaqa Xawaaladaha Somaliland iyo Kuwa Soomaliyaba Ee Aduunka. Maamulaha guud ee Dahabshiil oo isagu ah ninka maalkiisa iyo maskadiisaba u huray sidii uu uga midha dhalinlahaa rajada ah inaan xawaaladaha Somalida ee dhinaca cariga ingiriiska aan laga joojin lacagaha laysu diro,taas oo uu dhawaan ku dhawaaqay Baanka way nee Barclays in uu iska xidhayo wada shaqayntii uu la lahaa xawaaladaha somalida. lacagta la isku diro waynu ka war haynaa siday dadka Soomaalidu ugu nool yihiin, dhaqaalaha ay ka qaybqaadato, waxaanan rajaynayaa haddii dawladaha gobolka ee Soomaalidu ku nooshahay iyo kuwa kale ee maanta leh Soomaali baanu caawinaynaa sida Ingiriiska ay arrintan soo dhexgalaan in Bangigu go’aankiisaa ka noqon karo, waayo Bangigu xaaladda Soomaalida lama socdo. Inta badan warar xun-xun oo dagaallo amma rabshado ayuun buu wargeysyada kala socdaa Soomaalida, waxyaabahaasina waa kuwa laga yaabo inay cabsida ku abuureen waxaan shaki ku jirin in haddii ay sidani sii socoto ay hawlaha xawaaladahu gebi ahaantoodba istaagayaan, ma jiri karto xawaalad sii shaqaynaysa, waayo Barclays wuxuu ahaa bangiga keliya ee nidaamka Money Service Business (MSB) dhammaanba baananka kale ee UK ka jira hore ayey u diideen inay la shaqeeyaan xawaaladaha soomaalida ama nidaamka xawaaladaha, Barclays hadda kollay cadaadis dhinaca dawladda UK kaga yimid ayaa sababay sidaanu qiyaasayno inuu joojiyo xidhiidhkii aanu la lahayn” ayuu yidhi Cumar. Geesta kale waxa aynu ka wada dharagsanahay in ay “Dawladda ingiriisku tahay halbawlaha ama udub dhexaadka xawaaladaha soomaalida haddii uu joojiyo oo arrintani isla markaana ay sida ku hirgasho way adkaanaysa in lacag la diro, waxaana ay sheegeen dawladda ingiriiska in haddii la joojiyo hawlaha xawaaladaha, marka ay taasi furi doonto suuq madaw oo lacagaha laga diro UK iyo meelaha kale ay gacanta u gallaan kooxo khatar ah, nidamka xawaaladaha soomaalidu wuxuu ahaa nidaam la sharciyeeyey, Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid oo ka hadlay bal cidii kala qayb qaatay in uu bangiga Barclays uu dib uga laabto isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi “Arrintan dad badan oo aannu iska kaashanay way jiraan, kuwo sidooda go’aan u qaatay oo ka shaqaynaya inay wax ka qabtaana way jiraan oo ilaa boqol qof oo mutacalimiinta jaamacadaha waawayn ee caalamka wax ka dhiga sida kuwa Ingiriiska iyo Maraykanka waxay warqad dheer u qoreen dawladda Ingiriiska oo ay ku sharraxeen muhiimada lacagta laga diro dibadduhu u leedahay dadka Soomaalida ah, markaa arrintani waa mid aannu dad badan iska kaashanayno,” ayuu yidhi Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid. By.Aadan Maxamuud Caraale COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|