|
|||||
WAJAALE NEWS
Maamulihii Kastanka Saylac Oo Wali Shaqadii Ka Maqan Iyo Meesha Uu Ku Dambeeyay.
August 21, 2013 - Written by editorSida Warku sheegeyo maamulaha Kastamka Saylac lana yidhaa C/raxmaan Maxamed Maxamuud, ayaa la sheegeyaa inay xalay weerareen saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka degmadaasi
Saylac(WJN)Wararka ka imanaya magaalada Saylac ayaa sheegeya in Maamulihii Kastamka magaaladaasi loola cararay isbitaalada dalka Jabuuti si loogasoo daaweeyo dhaawacyo kasoo gaadhay dagaal gacamaha loola tegey oo ka dhacay magaalada Saylac . Sida Warku sheegeyo maamulaha Kastamka Saylac lana yidhaa C/raxmaan Maxamed Maxamuud, ayaa la sheegeyaa inay xalay weerareen saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka degmadaasi, kuwaasoo lagu muranssanyahay Ilaa imika ma cadda sababta keentay dagaalkan loola tegey maamulaha ,hase yeeshee warar ku dhawdhaw falkan ayaa sheegeya in maamulaha kastamka iyo saraakiishani isku afgaran waayeen gunno lacageed oo ay saraakiisha ciidamada amnigu ka doonayeen dakhliga kastamka kasoo baxa hase yeeshee maamuluhu diiday isla markaana uu si degdeg ah dakhligii kastamkaasi ugaga shubay Baanka degmadaasi taasoo keentay in saraakiisha amniga degmadaasi falkan kula kacaan maamulaha . Mar an isku dayey inaan arrinta kala xidhiidho masuulyiinta degmadaasi iyo taliska ciidanka amniga gobolkaasiba ,ayaa suurtegli weyday markii ay qaban waayeen teleefankoodii gacanta . Wariye
WAJAALE NEWS DESK
CONTACT US : Wajalenews@gmail.com Related posts:Burco: Mid ka mid ah Aasasayashii Kulmiye Oo Silanyo Ugu Baaqay inuu Hogaanka Xisbiga faraha kala ba... Halkee Ayay ka Bilaaban Tahay Qalooca Iyo Afduubka Ay ku Dhaqmaan Asxaabta Siyaasada Somaliland?. Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Oo Bulshada Ugu Baaqay In La Badbaadiyo Xabaalaha Sheekh Nuur Ee Bari... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|