|
|||||||||
WAJAALE NEWS
Kulan Lagaga Hadlayey Dhismaha Rugta Qaran Ee Buugaagta Oo shalay Lagu Qabtay Magaalada Hargeysa+Sawiro
August 7, 2013 - Written by editorHargeysa(wjn):-kulan lagu soo bandhigayey halka uu marayo hawsha rugta buugaagta ee qaranka Somaliland ayaa ka qabsoomay Hotel Sumer Time ee magaalada Hargeysa.
Hargeysa(WJN):-kulan lagu soo bandhigayey halka uu marayo hawsha rugta buugaagta ee qaranka Somaliland ayaa ka qabsoomay Hotel Sumer Time ee magaalada Hargeysa. Kulankan ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka qorshaynta qaranka Dr. Sacad Cali Shire, guddida gacanta ku haysa hawsha rugta buugaagta, qaybaha kala duwan ee warbaahinta Somaliland iyo marti sharaf kale.
Axmed Daahir oo ka tirsan guddida qaban qaabada dhismaha rugta Sidoo kale waxa uu ka hadlay baahida ay caruurta Somaliland u qabto inay hesho rugta buugaagta ee heer qaran, taas oo uu tilmaamay in caruurta waxbarashada u heelan ee Somaliland ay baahi badan u qabaan. Wasiirka qorshaynta qaranka Dr.Sacad Cali Shire oo ugu horayntii ka hadlay ayaa ka waramay baahida loo qabo in lagu guulaysto dhismaha rugtan buugaagta, isaga oo xusay in dadka reer Somaliland ay baahi badan u qabaan rugtaas buugaagta ee heer qaran, Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Dr.Sacad Cali Shire oo arimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi ?waxaynu caawa iskugu nimid dhismaha rugta buugaagta ee heer qaran, waa rug qaaliya waayo waa goob cilmi, iyada oo layna faray inaynu cilmiga barano oo caruurteena barno, waxaana jira axaadiis badan oo ku soo aroortay cilmiga, rugta buugaagta waa goobta kaliya ee haddii uu qofku galo uu ka soo baxayo isaga oo cilmi leh rugta buugaagtu waa wax ka dhaxeeya caalamka oo dhan haday tahay dugsi hoose mid dhexe mid sare iyo jaamacadahaba, hargeysa ma laha rug buugaagta oo qaran ah, waana aafo qaran? ayuu yidhi wasiirka qorshaynta qaranka. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey ? dhalinyaro ayaa ku kacday in in rugta buugaagta ee heer qaran la dhiso, waxaana loo baahan yahay in la garab galo, waliba baahida aynu u qabno rug buugaag way ka badan tahay baahiyaheena kale, rugta buugaag la,aanteedu waa mashaakil dhalinyarada haysata, balse waa meel loo baahan yahay inay dhalinyaradu fadhiisan karaan, kaga shaqayn karaan casharooda loo soo diray, kana heli karaan adeegyada dhinaca waxbarashada, waxaan leeyahay cid kasta oo gacan ka gaysata dhismaha rugtan buugaagta iyo maamulkiisaba waxay helayaan xasanaad badan,waxaan ku boorinayaa shacabka Somaliland inay u hagar baxaan dhismaha rugtan buugaagta.? Suxufiga Cali Axmed Raabi(Cali Seenyo) oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa ka waramay aqoonta iyo sida loogu baahan yahay in lagu dedaalo, isaga oo guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland ugu baaqay in laga qayb qaato dhismaha rugta buugaagta ee heer qaran.
WAJAALENEWS DESK
Hargeisa Office Contact Us : wajalenews@gmail.com
Related posts:Madaxweyne Siilaanyo Oo Shirka Kulmiye Kaga Qayb-galaya Farriin Qoraal Ah Oo Uu Imaaraadka Uga Soo S... Wasiirkii Hore Ee Warshadaha Somaliland Oo Kulan Qado Sharaf Ah Usameeyay Dhalinyarada Ciyaaraha Ee ... DAAWO: Waraysi Dhinacyo Badan Taabanaya OoTVga SOMNEWS La Yeeshay Xildhibaan Cabdiqaadir Oo ka Tirsa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||||||
|