|
|||||
WAJAALE NEWS
Kulan dhex maray Masuuliyiinta Naadiga Bandhiga Cilmiga Iyo Caqliga iyo Gud.Kuxigeenka Labaad ee Baarlamanka
August 25, 2013 - Written by Wariye:Borama(Wajaale News)-Masuulka Maaliyada iyo Maaraynta Naadiga Mud.Ayaanle Abdirahman Ibraahim, Gudoomiyaha Naadiga Mudane Maxamed Cumar Cismaan, Masuasulka Xidhiidhka Arimaha Dibada Mud. Abdikarim Mohamoud Hirsi, Masuuliyiinta Naadiga Bandhiga Cilmiga Iyo Caqliga iyo xubno ka tirsan NBCC oo uu hogaaminayo gudoomiyaha NBCC Mudane Maxamed Cumar Cismaan oo dhawaanahanba ku sugnaa magaala madaxda jamhuuriyada Somaliland ee hargeisa ayaa kulan isbarasho, is xogwaraysi iyo talo is waydaarsi ah la yeeshay gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha baarlamaanka Dr. Ali Yousuf Ahmed. Kulankan oo ka dhacay xafiiska Gud. Kuxigeenka labaad ee xarunta golaha baarlamaanka ayaa ay Masuuliyiinta NBCC iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha baarlamanka oo uu wehelinayo xildhibaan Axmed Yaasiin sheikh Ali Ayaanle kaga sheekaysteen xaalada waxbarasho ee dhalinta dalka gaar ahaana gobolka awdal. Ugu horayn Gud. Kuxigeena labaad ee baarlamanka ayaa soo dhaweeyay naadiga kuna guubaabiyay hal-adayga iyo fogaal araga dhiiranaanta leh ee ay NBCC la yimaadeen. Isagoo balanqaaday inay xidhiidh rasmi ah yeelan doonaan isla markaana ay wax wada qaban doonaan. Masuulka Maaliyada iyo Maaraynta Naadiga Mud.Ayaanle Abdirahman Ibraahim, Gudoomiyaha Naadiga Mudane Maxamed Cumar Cismaan, Masuasulka Xidhiidhka Arimaha Dibada Mud. Abdikarim Mohamoud Hirsi, Asha Ahmed Hussein, Ibraahim Mohamed Cumar iyo Aamina Ismail Barkhad ayaa Mahadiyay uga Mahad celiyay soo dhawaynta iyo kal furnaanta uu u fidiyay Dr. Ali yousuf. Madaxa Naadiga Bandhiga Cilmiga Iyo Caqliga Mudane Maxamed Cumar cismaan ayaa isna dhiniciisa ka war bixiyay xaalada aqoon iyo akhris ee dhalinta isagoo carabka ku dhuftay in ay dhalintu tabayso una haraadan tahay aqoon tayo leh oo ay kaga maarmaan aqoon u doonashada dalalka dibada. Isaga oo ku daray in Naadiga Bandhiga Cilmiga Iyo Caqliga oo xafiiskiisa dhexe ku leh magaala madaxda gobolka Awdal Ee boorama wax badan ku kordhiyay xaalada aqooneed ee dhalinta gobolkaas iyaga oo furay maktabad guud oo umadu leedahay bilaashna wax loogu akhristo. Shalay ayay ahayd Markii Ay masuuliyiinta Naadigu kulan rasmi ah la yeesheen Gudoomiyaha Machadka tababarka Shaqaalaha Dawlada Mudane Maxamed Mixile Boqore Kalana Sheekaysteen Hirgalinta iyo Kor u qaadida Maktabad uu Naadigu Ka furay Borama. Gud. Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawlada Ayaa balan ku qaaday inuu taageero hiil iyo hooba leh la garab istaagi doono maktabadan. Si kasteba ha ahaatee Naadiga Bandhiga Cilmiga Iyo Caqliga Ayaa ka hirgaliyay Maktabadii ugu horaysay Magaalada boorama. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|