Kooxo hubeysan oo Magaalada Muqdisho ku dilay Gudoomiyihii Olombikada Soomaaliyeed ee Degmada Dharkeenley | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kooxo hubeysan oo Magaalada Muqdisho ku dilay Gudoomiyihii Olombikada Soomaaliyeed ee Degmada Dharkeenley
August 24, 2013 - Written by Wariye:

Muqdisho-(Wajaale News)-Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa ku dilay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir guddoomiyihii Olombikada ee degmada Dharkeynley, Amiin Cali Muumin.

Marxuumka ayaa lagu toogtay shalay gellinkii dambe afaafka hore ee gurigiisa oo ku yaalla degmadaas, waxaana toogashadiisa ka dambeeyay sida ay u sheegeen warbaahinta dad goobjoogayaal ah laba wiil oo bastoolato watay.

“Amiin waxaa lagu toogtay gurigiisa hortiisa isagoo ka yimid ciyaaro ka socday garoonka degmadaas, waxaana afar ka mid ah rasaasta uga dhaceen madaxa, isbitaalka Madiina ayuuna ku geeriyooday,” ayuu yidhi guddoomiyaha degmada Dharkeynley Macallin Cabdulle Cali Hilowle oo ka war-bixinayay dilka marxuumka.

Inkasta oo aanay jirin cid sheegatay inay ka dambeysay dilka masuulkan ayaa haddana waxay masuuliyiinta dowladdu ku eedeeyeen dilkaas Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa Muqdisho ku soo kordhayay falal ammaan-darro ee ay geysanayaan kooxaha hubeysan, iyadoo toddobaadkii hore lagu dilay caasimadda howlwadeen ka tirsan Raadiyo Muqdisho iyo ruux Somali-Swedish ah, halka la dhaawacay haweeney ay isku xisbi ka tirsanaayeen oo la socotay.

Xilli ay ammaan-darradan jirto ayaa waxay masuuliyiinta amnigu mar walba sheegayaan inay fashiliyeen weerarro waxyeello lagu geysan lahaa, iyadoo la isweydiinayo sababaha soo kordhiyay ammaan-darrada magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya

COMMENTS
LINKS