Kobaca Miisaaniyada Somaliland,horumarka dalka iyo Hormoodka Wasiirka Maaliyada JSL C/casiis Maxamed Samaale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kobaca Miisaaniyada Somaliland,horumarka dalka iyo Hormoodka Wasiirka Maaliyada JSL C/casiis Maxamed Samaale.
August 24, 2013 - Written by editor
Kobaca Miisaaniyada Somaliland,horumarka dalka iyo Hormoodka Wasiirka Maaliyada JSL C/casiis Maxamed Samaale.

 

Kor u kaca ku yimid miisaaniyada dalka micneheedu waa dakhligii wadanka oo kor dhay

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan warbaahinta kale duwan ee Somaliland. Sidoo kale waxaan salaamayaa akhristayaasha sharafta leh meelkasta oo ay joogaanba.
Akhristayaal sida aan la wada socono hormarka wadan waxaa uu ku tiirsanyahay hadba dhakhliga iyo miisaaniyadiisa halka ay taagantahay. Sida aan ka war qabno wadamada soo koraaya sida kuwa afrika miisaaniyadoodu isma daboosho sidaa awgeed 60% waxaa kaba wadamada waa weyn iyo ha’yahaa maaliyadeed ee caalamiga ah sida IMFta iyo Banka aduunka.
Hadaba waxaa mucjiso ah wadan yar oo aan wali la ictiraafin kaalmo dibadeedana helin sida ay isku daboosho miisaaniyadiisa ka soo xeeroota cashuurta yar ee dad weynaha laga qaado. Sidoo kale waxa aynu la soconaa mudadii ay xilka haysay xukuumada uu gadhwadeenka Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) in ay miisaaniyadu kor u kacday in ka badan sadex laab miisaaniyadii xukuumadii ka horaysay ee Daahir Riyaale taasi oo dhamayd (48 million hadana ay marayso 125 million oo doolar).
Hadaba waxaa is weydiin leh xagee ayey mari jirtay miisaaniyada intaa le’eg (77 million oo doolar)?, maxaase sababay in ay kor u kacdo miisaaniyadu mudo yar oo sadex sano ah?. Jawaabta dhabta ah ee su’aasha koowaad waxaa weeyi in lacagtaasi ay ku bixi jirtay musuqmaamus, wax isdaba marin iyo maamul xumo. Jawaabta labaad waxaa weeyi, sababta dhabta ah ee keentay kor u kacaa miisaaniyada ee intaa le’eg waxaa weeyi madaxweyne Xaaji Axmed Siilaayo waxaa uu u xushay wasaarada maaliyada masuulkii ku haboonaa mudane c/casiis M. Samaale, oo ah shakhsi laga dheehan karo diin ,daacadnimo, karti iyo hufnaan shaqo,taasi ayaa keentay in ay kor u kacdo miisaaniyada qaranku markii la suuliyey musmaasuqii baahsanaa ee hantida umada lagu hayey.
Kor u kaca ku yimid miisaaniyada dalka micneheedu waa dakhligii wadanka ayaa kobcay, markaa iyaduna waxaa is weydiin mudan dakhligaa kordhay muxuu ku soo kordhiyey horumarka dalka?
Jawaabta su’ashaasi waxay noqonaysaa waxaa lagu horumariyey waxyaalahan soo socda:
1. Kobaca miisaaniyadu waa ta suuragalisay in darajo la siinyo in ka badan 10,000 kun oo ciidamada kala duwan ee JSL, oo ku ciiday maalintii ciidal fidriga garbo arad baxay. Taasi oo ay tahli waayeen dhamaan xukuumadihii hore ee dalkan soo maray, iyaga oo ka cabsi qabeen miisaaniyada ku baxaysa darajada ciidamada halka ay ka keenayaan. Shacab ahaan waan ku amaanaynaa geesinimada ay muujiyeen madaxweyne Siilaayo iyo wasiirkiisa maaliyada C/casis Samaale iyo sida ay tunkan u riteen culayska daboolida kharashka ku baxayaa darajooyinkaa la bixiyey oo aad u fara badan;
2. Kobaca miisaaniyadu dalku waa ka suuragaliyey dhisida iyo qurxinta xarumaha dawlada. Sida aynu indhaheena ku aragno waxaa la dhisay dhamaan wasaaradaha iyo xarumaha kala duwan ee dawlada, iyada oo badan kooda loo dhisay dhismayaal cusub oo dabaqyo ah,qaarna wax lagu kordhiyey, kuwii hore u jirayna la qurxiyey dayrarkooda. inaga oo ka war qabna halka ay ku shaqayn jireen xukuumadii hore sida ay u e kaayeen.
3. Kobaca miisaaniyadu dalku waa ta hirgalisay kordhinta mushaharka shaqaalaha dawlada iyo ciidamada qalabka sida 100%b 100%. Waxaan ka wada dharagsannahay in ay dawladu kordhisay 100% kiiba 100% mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada kala duwan. Iyada oo si joogta ahna u bixiso mushaharooyinkooda bilkasta 27ka ilaa 30keeda. Sida aan wada xusuusanahay sanadkii 2006 horaantiisii, markii baarlamaankii la soo doortay la horeenay miisaaniyadii sanadkaa waxa ay soo jeediyeen xildhibaanadu in ciidamada qalabka sida mushahar loo kordhiyo 30%, taasi oo aynu ogayn qayladii ka dhacday xukuumadii wakhtigaa jirtay oo u arkaysay in aanay 30% kaa bixin Karin, garanayna meel ay ka keento dakhligooda, aakhirkiina sidaa ku diiday. Sida oo kale waxaa xusid mudan shaqaalaha dawlada mushaharkoodu wuxuu ka maqnaan jirtay in ka badan sadex bilood.
4. Kobaca dhaqaalaha dalku waa ka hirgaliyey in xukuumada hada jirtaa shaqaaleysiisay in ka badan 6000 oo dhaliyaradii jaamacadaha dalka iyo dibadaba ka soo qalin jabisay ah, taasi oo ka dhigan laban laabka shaqaalaha dawlada oo ahaa 6000 ama hadaan si kale u dhigno noqonaysa kordhinta miisaaniyada ku baxda mushaharooyin 100% kiiba 200% halkii ay xukuumadii hore kaga tagtay. Waxaa halkaa ka muuqata in ay xukuumada madaxweyne Xaji Axmed Siilaanyo oo ay hormood u tahay wasaarada maaliyadu xil wayn iska saartay sidii da’yarta jaamacadahaa ka soo burqanaysaa loo meelayn lahaa, aqoontooda iyo cududoodana looga faa’iidansay lahaa.
5. Koradhka dakhliga dalku waa ka suuragaliyey in xukuumada hada jirtaa ku dhiiratay in ay ka dhigto waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe lacag la’aan. Taasi oo u saamaxday ubad badan oo ayna waalidkood awoodayn dhaqaale ahaan inay iskuulada wada geeyaan ay heleen fursad ay wax ku bartaan, qayr koodna ku gaadhaan. Si taa loo hirgaliyo wasaarada maaliyadu waxay u qoondaysay in miisaaniyada lagu daro gunada in ka badan 2000 oo macalin, si looga maarmo lacagtii ardayda laga qaadi jiray, baahida macalimiintana loo daboolo.
6. Kobaca miisaaniyadu waa ka horseeday horumarinta wadooyinka dalka. Sida aan lawada socono hada dalka waxaa ka socda tartanka horumarinta wadooyinka oo ay iska kaashanayaan dadweynaha deegaanada wadooyinka laga wado iyo dawlada dhexe,maalin kastan waxaan aragnaa xukuumada oo xadhiga ka jaraysaa wado cusub oo la hirgaliyey. Taasi waxa ay ku timid miisaaniyada horumarinta wadooyinka ee ay wasaarada maaliyadu ugu talo gashay horumarinta wadooyinka dalka oo si fiican loo maamulay.
7. Kobaca miisaaniyada dalku waa ta keentay in qaranku yeesho idaacad iyo TV dalka iyo dibadaba dadka reer somaliland ka haqab tirtay warka dalkooda. Sidoo kale waxaa la hirgaliyey idaacada qur’aanka kariimka oo 24 saacoodba laga dhagaysan karo qur’aanka, oo madaxweyne Xaaji Axmed Silaayo xadhiga ka jaray dhawaan.
8. Koradhka miisaaniyadu waa ka suura galiyey wax ka qabashada caafimaadka bulshada. Sida aynu la wada socono xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne X. Axmed Siilaanyo waxaa ay wax weyn ka qabatay adeegyada caafimaad ee dalka iyada oo dib u habayn lagu sameeyey cusbilaada waaweyn ee dalka, iyada oo la kiciyey mishiinkii kalyaha sifaynayey oo daboolay baahi dalka dibadiisa loo tagi jiray. Si kor loogu qaado adeegyada cusbitaalada dalka waxaa la shaqaalaysiiyey dhakhaatiir fara badan oo ka soo baxay jaamacadaha dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.
Guntii iyo gabo gabadii maqaalkan; waxaan ku soo ururinayaa waxaa wax lagu farxo ah horumarkaa dalku sameeyey mudada kooban ee xukuumada madaxweyne X. Axmed Siilaanyo talada haysay iyo cugashada madaxweynaha ee xilka wasaarada maaliyada wasiir c/casiis m. samaale oo ah shakhsi amaano iyo diin leh.
Qalinkii: Muuse Geedi C/lahi
Dhaqaale yahan ka faalooda dhaqaalaha dalka
0634640020/9128624,
Hargaysa, Somaliland.

COMMENTS
LINKS