|
|||||
WAJAALE NEWS
“Jamaal Howl badanbaa utaala Isaga, Waxaa utaala in uu Qalbiga iyo Masakaxaha Ucid iyo dadka Ucid iyo Golihiisa Dhexe inuu kasbado inuu taageero kasbado inuu ogaado inuu hogaamin karo qaranka”Mujaahid Cali Gurey
August 25, 2013 - Written by editorLaakiin nasiib daro Xidhiidh toos ah malihin Imika Waxa isugu kaaya dambeysay barigii la Xeraynayay liisaskii Doorashadii
Hargeysa(WJN)-Gudoomiyaha Sadexaad ee Xisbiga Ucid Cali Maxamed Yuusuf(Cali-Gurey), ayaa Sheegay inaanu jirin habayaraatee Wax khilaaf lataaban karo oo u dhexeeyay Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid, gudihiisa isagoo ka hadlayay Qoraalkii uu Murashaxa Madexweynaha Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ku daadafeeyay inaanay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal kula Soconin Taageeradii Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka. “Horta Gudoomiyaha Xisbigu Waa Faysal Cali-Waraabe, laakiin Jamaal Cali Xuseen ma aha dhismaha Xisbiguna Sidaasuu usoo bilaabmayaa Gudoomiye Gudoomiye Kuxigeeno Xoghaye Guud Gole dhexe, Murashaxnimada Jamaalna waa mid jirta waayo awood waxaa uleh doorashadiisa Golaha Dhexe Cali Gurey awood uma laha Jamaal anigu kama Dhigi karayo Murashax kaliday, Faysal Cali Waraabana Xaq uma laha inuu ka Dhigo Dastuurbuu leeyahey Xisbigu Dastuurkaas iyo Haya,adii Sharciga ulaheydbaa ka Dhigtey, halkaa marka ay Joogtana Jamaal Howl badanbaa utaala Isaga, Waxaa utaala in uu Qalbiga iyo Masakaxaha Ucid iyo dadka Ucid iyo Golihiisa Dhexe inuu kasbado inuu taageero kasbado inuu ogaado inuu hogaamin karo Qarankan inuu ku qanciyo Ucid iyo Bulshada Somalilandba, aniga imika Xidhiidh toos ah malihin wax alaale iyo Wax noo dhexeeyaana majiro inanka abtina waan u ahey, aniguna Madexweyne ma Doonayo Gudoomiye ma doonayo haduu isagu Madexweyne Doonayo kuma haysto Madexweyne kale ma wato Wixii Ucid Murashax u ah ayaa anigana Murashax ii ah Laakiin nasiib daro Xidhiidh toos ah malihin Imika Waxa isugu kaaya dambeysay barigii la Xeraynayay liisaskii Doorashadii Deegaanka, markii Kaambeynku jireyna anigu waanigii Hargeysa joogay Isaguna Berbera iyo Baribuu jirey Murashaxa Madexweyne Kuxigeenka Xisbiga Ucid anigu ismaanu arag in ay iyagu Xidhiidh leeyihiin iyo inkale ma ogi Laakiin wxaan kuu ogahay mowduuc maanta Ucid dhexyaala oo la leeyahey Ucidbaa isku haysata Murashaxnimada Jamaalna ku daroo inaanay Jirin wax alaale iyo wax jiraa ma jiro ninka Waajibkiisa Gudan waayaana isagay utaalaa, anuu Waxaan ahey Gudoomiye Kuxigeen hadaan Gudoomiye Kuxigeenka Gudan waayo waa la iga qaadayaa Why not(Waayo) Faysal Cali Waraabe Sow Gudoomiye ma aha haduu gudan Waayo waajibkiisa waa laga qaadayaa”Ayuu yidhi.
Mar Laweydiiyay Cida ka Qaadeysa Faysal Cali Waraabe Xilka Gudoomiye haduu gudan Waayo Xilkiisa waxa uu ku jawaabay “Waxa ka qaadaya dadkii doortey sow may dooran Shirweyne Shirweynaha Xisbigaa Awood uleh inay Qiimeeyaan Faysal in uu yahey Gudoomiyihii saxa ahaa xaqna Waxey uleeyihiin in ay Faysal Xilka ka qaadi karaan, oo ay dooran karaan oo ay Qof kale Dooran karaan Xaqbay uleeyihiin Jamaalna kama Duwana, anuu Qoraal soo baxeyna maan arag Jamaalna ismaanu arag Faysal Cali Waraabena maalintaa ay is buriyeen labadoodu dee dabcan qofka Sadexaad ee Xog ogaal ahi aniguu ahaa aniguna waan ka hadley waxaanan ka hadley in Mowduucani uu Gudoomiyihu horeba ugu jirey fikirkaa wadatashi Qaran markii horena ay Xukuumadu ogoleyd ayaan Sheegay oo dibada lagaga soo wadahadley markii halkan layimidna ay ka baxdey in Gudoomiyahaga(Faysal) iyo rag kale oo la Socdey ay halkii kasii amaba qaadeen ayaan sheegay, markii Golaha lagu Dhawaaqayay anigeygan waa la iisoo dhigay oo waan diiday inaan Xubinka noqdo Waayo waxaan ku idhi labadii howlood tii Xisbiga iyo tii koox isku wadi kari maayo waayo howlaha imika Xisbigu iiga baahan yahey ee aanan awooda u hayn ayaa ka badan ta aan Golaha ka tarayo laakiin waxaan Sheegayaa inaanay aheyn in Faysal kalidii iska goostey ilaahaybaa igu og waxaanay aheyd in ay kawada hadlaan Labadoodu hadey wax isla diidan yihiin ama uu yidhaahdo isku keen keena arinkaa waxbaanu ka qabnaa oo aanu isu nimaadno dee oo hadaanu doono aanu tiisaba qaadano oo aanu nidhaa inaga daaya isagaa inaga hagaagsane laakiin arinkii aanu ku dhex jirney ee uu ku dhex jirey Gudoomiyaha Xisbigu oo aan idhaado waa wax isaga ugaar ah oo aan ku Raaco Jamaal Cali Xuseen ma Dhaceyso”Ayuu yidhi Mujaahid Cali Gurey.
WAJAALE NEWS DESK
CONTACT US: Wajalenews@gmail.com Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|