|
|||||
WAJAALE NEWS
Jaamacadda Admas Oo Xaflad U Samaysay 7 Arday Oo hore uga qalin jabiyey jaamacadda Oo Deeq Waxbarasho Ka helay Turkey iyo Guddida Tacalliinta Sare Oo Amaanay Admas
August 12, 2013 - Written by editorHargeysa(WJN)?Jaamacadda ADMAS University College ayaa xalay xaflad u samaysay toddoba arday oo hore uga qalin jabiyey jaamacadda oo deeq waxbarasho ka helay
Hargeysa(WJN)?Jaamacadda ADMAS University College ayaa xalay xaflad u samaysay toddoba arday oo hore uga qalin jabiyey jaamacadda oo deeq waxbarasho (Shoolership)ka helay dalka Turkey.Toddobadan arday oo deeqdan ay heleen u galay. tartan imtixaano ah oo laga qabtay in ka badan 80 waddan, ayaa waxa xafladdaas oo casho ahayd ka soo qayb galay masuuliyiin sare oo ka socotay wasaaradda waxbarashada, Komishanka Tacliinta sare, maamulka Jaamacadda, Macalimiin, waalidiin iyo ardayda deeqda waxbarasho helay. Munaasibadda casha sharafta oo ahayd mid ay dadka ka muuqatay farxad, ayaa intii ay socotay waxa ay dadku hambalyaynayeen ardayda dedaalka badan muujiyey ee uu nasiibkoodu u saamaxay in ay deeqdan waxbarasho helaan.
Ugu horreyn waxa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda ADMAS, Mudane, Ixsaan
Waxa uu intaa ku daray in adduunyadu ay socoto oo wax kasta oo uu qofku isku dayo in uu qabto uu ka midho dhalin karo, isaga oo tusaale u soo qaatay guusha ay ardaydaasi gaadheen. Waxa isaguna madashaas ka hadlay Guddoomiye Ku-xigeenka Jaamacadda ADMAS, Mudane, Xuseen Cabdillaahi Maxamuud, waxaanu faahfaahiyey tirada wadamada iyo ardayda ay tartanka la galeen 7-da arday ee xafladda loo sameeyey, waxaanu yidhi ?80 dal baa u tartamay jaamcadahan waxaana ka qayb galay oo ku guuleystay 55,000 arday, Somaliland-na waxay ka heshay 10 arday, 7 ka mid ahina waxay ka soo baxeen Jaamcadda ADMAS?. Mr. Xuseen waxa uu intaa ku daray in Jaamacadda ADMAS ay 70% ku guulaysatay qaybta ay deeqdan Somaliland ka heshay.?Farxad ayay noo tahay in la yidhaahdo toddobaatan boqolkiiba deeqdan waxbarasho ardayda heshay waxay ka yimaadeen Jaamacadda ADMAS, wasaaradda waxbarashadu waa inay ka markhaati kacdo dedaalka ADMAS?. Ayuu yidhi, waxaanu dardaaran u soo jeediyey ardaydaas oo uu u sheegay in ay metelayaal umad iyo dal dhan, loogana fadhiyo in ay dedaalaan oo ay ku soo noqdaan dalkooda iyagoo wax soo bartay, si ay dalkooda iyo dadkoodaba u anfacaan. Intaa kadib, waxa makarafoonka qabsaday Madaxa Qaybta Dhaqaalaha ee Jaamacadda ADMAS Dr. Swamy oo toddobada ay arday ay u badnaayeen qaybtaas, waxaanu sheegay in ardaydaasi ay muujiyeen dedaal iyo karti. Dr. Swamy waxa uu ka sheekeeyay waayaha nololeed ee adag ee ay waalidiinta Somaliland la soo mareen korinta iyo waxbarista carruurtooda, kuwaas oo aakhirka ay ubadkoodu soo gaadheen heer Jaamacadeed. ?Haddii ay 7 ka mid ahi nodeen 10kii ugu saraysay waxaan shaki ku jirin inay ADMAS ku jiraan boqolaal kale oo aan rajaynayo inaynu sidan oo kale u qaban doono xaflado kale? ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyey dardaaran uu usoo jeediyey arday, kuwaas oo uu u sheegay in ay u shaqeeyaan si adag, kadib waxbarashoodana ay dib ugu soo noqdaan dalkooda si ay dalkooda iyo dadkooda wax ugu qabtaan. Prof. Ibraahim X. Muxumed Aaye oo ka mid ahaa weftigii aqoonyahanka ahaa ee la socday Prof. Axmed Ismaaciil Samatar laakiin ku hadhay dalka, waxaanu hambalyo u diray Jaamacadda ADMAS oo uu ku amaanay tayada waxbarashada ay bixiyaan, taas oo uu sheegay in ay markhaati ka tahay toddobada arday ee ku guulaystay tartanka waxbarashada dibadeed. ?waxaan hambalyeynayaa Jaamacadda Admas oo jaamacadihii kale kaga guuleysatay tartankii ay wada galeen waxaanay taasi muujinaysaa inay Jaamacadda dad tayo lihi joogaan, waayo dadka tayada leh waxaa soo saari kara uun dad tayo leh, waxaanan idinka rajaynayaa inaydaan noqon doonin kuwaa umaddoodii ka cararay balse aad noqon doontaan kuwii dalkooda wax u soo barta ee anfaca mustaqbalka? ayuu yidhi. Waxa isaguna madashaas ka hadlay Cabdiqaadir Dhaashane, oo ka socday Komishanka Tacliinta Sare ee Somaliland, waxaanay sheegay in ay isaga farxad gaar ah u tahay, isla markaana ay taababanayso, maadaama oo uu ka mid ahaa macallimiintii seeska u dhigtay waxbarashada Somaliland. Mudane Cabdiqaadir waxa uu sheegay in ay u arkaan Jaamacadda ADMAS mid tayayadeedu is muujisay, isla markaana ay tartankii kaga guulaysatay jaamacadaha kale ee dalka, waxaanu yidhi ?Waxaanu u aragnaa in waxaan la filaynin ay soo baxeen oo jaamacadii ADMAS ay 10-kii arday ka heshay 7, waxaad tusaale u tihiin ardayda dambe, tayadii Jaamacadduna waa taa soo baxaysa?. Ugu dambayn, waxa kale oo isaguna hadal ka jeediyey xafladdaas Agaasimaha tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada Md. Khadar Axmed Diiriye, waxaanu dardaaran waayo-aragnimo u soo jeediyey 7-da arday, kuwaas oo uu sheegay in looga baahan yahay dedaal. Agaasime Khadar, waxa uu xusay in guddida Tacliinta Sare ay ammaantay Jaamacadda ADMAS, iyaguna wasaarad ahaan ay ku xisaabtami doonaan, waxaanu yidhi ?Jaamacadda ADMAS waxaan leeyahay wakaas oo waxaa idin amaanay Gudigii Tacliinta sare anaguna ka wasaarad ahaan waanu idinku xisbaabtami doonaa kaalintiina qiimaha leh.? Waxa iyaguna madashaas hadalo ka jeediyey qaar Cismaan Awr-liqe oo ku hadlay magaca waalidiinta, Solomon Wakjira oo ka mid ah macalimiinta iyo Maxamed Cumar Guudle oo ku hadlay afka ardayda ku guulaysatay deeqda waxbarasho ee dalka Turkey. Gaba gabadii xafladdaasi lagu maamuusayey sagootiska ardayda kaalinta qiimaha leh ka gashay tartanka imtixaanaadkii Jaamacadaha Somaliland oo dhan waxaa la arkayey maamulka iyo macalimiinta oo dhinac taagan ardayda magaca dheer u soo jiiday Jaamacadda Admas si ay sawirro xusuusta gala uga reebaan ardayda ka hor inta Aanay maalinta burrito ah ka duulin dhahaba diyaaradaha ee magaalada xeebta ah ee berbera iyaga oo ku sii jeeda dalka Turkiga ee ay ka heleen deeqa waxbarasho.
WAJAALE NEWS DESK
Hargeisa Office
Related posts:DP World Oo Jabuuti Kaga Guulaysatay Dhegaysigii U Dambeeyay Ee Dacwaddooda Ka Socotay London. War Deg Deg Ah: Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Oo U Tanaasulay Madaxwayne Axmed Siilaanyo, Iyo Kul... DAAWO; Wasaaradda Caafimaadka Jsl Oo Shaacisay Olole Caafimaad Indhaha Ah Oo Dhakhaatiir Ajaanib Ahi... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|