Jaamacad Ku Taala Thailand Oo Ardaydaydu Si Aanay Imtixaanka U Kala Qishin Kiishash Madaxa U Galiyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jaamacad Ku Taala Thailand Oo Ardaydaydu Si Aanay Imtixaanka U Kala Qishin Kiishash Madaxa U Galiyay
August 18, 2013 - Written by Wariye:

Thailand(Wajaale News)-Ilaa boqol arday oo galayay imtixaan ayay jaamacadu soo dhigtay, sawiradooda oo madaxa ku xidhan ama loo galiyay kiishash aad ugu muuqaal dhow kuwa loo xidho, dameeraha magaalooyinka lagaga dhex shaqeeyo, ee loo galiyo si aanay dhinacyada u eegin
Muuqaal Jaamacada ugu wayn dalkaas ee lagu magacaabo, Kasetsart University, ay ku baahisay bogeeda internet-ka ayaa dalka Thailand ka abuuray cadho balaadhan oo dadku ka qaadeen, qaab macalimiinta jaamacadaasi ula dhaqantay, arday imtixaan laga qaadayay iyaga oo sheegay in cabsi laga qabo inay imtixaanka kala eegtaan ku kaliftay.
Ilaa boqol arday oo galayay imtixaan ayay jaamacadu soo dhigtay, sawiradooda oo madaxa ku xidhan ama loo galiyay kiishash aad ugu muuqaal dhow kuwa loo xidho, dameeraha magaalooyinka lagaga dhex shaqeeyo, ee
loo galiyo si aanay dhinacyada u eegin.
Macalimiinta ayaa sababta ku kaliftay in ardayda ay sidan ula dhaqmaan ku macneeyay inay tahay, habka ugu haboon ee lagaga gaashaaman karo in ardaydu imtixaanka kala eegtaan, dhibaatooyin badan oo ka qabsaday qishka ardayduna ay khasab ka dhigtay in kiishashkan madaxa loo galiyo si ardayna aanu ardayga kale ayna ugu suura galin inuu arko ama ka eegto imtixaanka.
Wargayska Bangkok Post lagu magacaabo oo warkan ugu hor baahisay ayaa sheegtay in markii dad badani sawirkaas ay arkeen, fariimo cadho badan xambaarsan ay ku harqiyeen maamulka jaamacada Kasetsart University, ka dibna ay khasab ku noqotay gudida maamula ardayda jaamacadu in ay sawirkaas ka saaraan bogooda.

Wajaale News

Hargaisa/Somaliland

COMMENTS
LINKS