Jaaliyada Reer Gabiley ee Wadanka Canada Oo Deeq Lacageed Ugu Soo Deeqay Cusbitaalka Tbda ee Magaalada Gabiley | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jaaliyada Reer Gabiley ee Wadanka Canada Oo Deeq Lacageed Ugu Soo Deeqay Cusbitaalka Tbda ee Magaalada Gabiley
August 12, 2013 - Written by editor

Waxa kale oo isaguna ka hadley Munaasibadan Maamulaha Xarunta Dahabshiil ee Gobolka Gabiley Farxaan Yuusuf Xaaji Cabdi oo Sheegay in Xubnaha Qurba Jooga Reer Gabiley ee Canada ay Deeqdan Lacagta ah usoo direen Cusbitaalka sidaa daraadeedna ay ku wareejinayaan Howlawdeenada Cusbitaalka TBda ee Magaalada Gabiley.

Gabiley(WJN)-Jaaliyada Reer Gabiley ee Wadanka KANADA ayaa soo gaadhsiiyay Cusbitaalka Qaaxada Maagaalada Gabiley Deeq Dhan shan boqol iyo dheeraad Lacagta Dollarka Mareykanka ah Deeqdaas oo ay ku soo hagaajiyeen Maamulka Shirkada Dahabshiil ee Maagaalada Gabiley iyo Xildhibaan Axmed Cali Maxamed(Sangub), oo katirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley.

Waxaanay Masuuliyiinta loo soo Wakiishey Deeqdaas Lacagta ahi Isla maanta Ku Wareejiyeen Howlawdeenada Cusbitaalka TBda ee Magaalada Gabiley Munaasibadii Wareejinta lacagtan oo lagu

Qabtey Xarunta Cusbitaalka TBda Magaalada Gabiley Waxa ugu horeyn halkaa hadal ka Jeediyay Xildhibaan Axmed Cali Maxamed(Sangub), oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley ee deeqdan Qurba jooga Toronto ee Gabiley kasoo jeedaa ay usoo wakiisheen Waxaanu Xusey Xildhibaanku in ay ka mahad celinayaan sida ay usoo xasuustaan Xubnaha Jaaliyada Canada ee kasoo jeeda Gabiley usoo xasuusteen dadkooda isagoo Xusey in ay ku dayan doonaan Xubnaha kalena.

Waxa kale oo isaguna ka hadley Munaasibadan Maamulaha Xarunta Dahabshiil ee Gobolka Gabiley Farxaan Yuusuf Xaaji Cabdi oo Sheegay in Xubnaha Qurba Jooga Reer Gabiley ee Canada ay Deeqdan Lacagta ah usoo dirween Cusbitaalka sidaa daraadeedna ay ku wareejinayaan Howlawdeenada Cusbitaalka TBda ee Magaalada Gabiley.

Waxa kale oo Isaguna ka mahad Celiyay Deeqdan ay soo gaadhsiiyeen Reer Toronto Cusbitaalka TBada ee Magaalada Gabiley Rudwaan Maxamed Cali Ileeye oo kamid ah Dhakhaatiirta sida joogtada ah uga Howlagala Cusbitaalka Tbda Gabiley isagoo Sheegay in ay iyaga wax weyn u tareyso ugana mahad celianayaan Xubnahaasi soo gaadhsiiyay iyo Xildhibaanada kala Soo qeyb galey arintanba.

Waa markii u horeysay ee Jaaliyada Canada soo gaadhsiiso deeq lacageed oo noocan oo kale ah Cusbitaalka TBada Gabiley iyadoo Cusbitaalkaasi kamid yahey goobaha Baahiyaha Culusi kajiraan Gobolka.

Wajaale News Desk

Gabiley Office

Contact Us : wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS