China:- Waa Maxay Ujeedada Wafti ka Socda Jamhuuriyada Somaliland oo Socdaal Shaqo ku tegey Dalka China Akhriso + Daawo Sawiro. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
China:- Waa Maxay Ujeedada Wafti ka Socda Jamhuuriyada Somaliland oo Socdaal Shaqo ku tegey Dalka China Akhriso + Daawo Sawiro.
August 12, 2013 - Written by editor

 

China (WJN)- Wefti ka kooban Maareeyaha Wakaalladda Waddooyinka Somaliland Prof: Xassan Cali Cismaan , Gudoomiyaha Gudida Qandaraasyada Qaranka Mudane Aadan Cabdillahi Xassan Nugaal iyo Xoghayaha

 

 

China (WJN)- Wefti ka kooban Maareeyaha Wakaalladda  Waddooyinka Somaliland  Prof: Xassan Cali Cismaan , Gudoomiyaha Gudida Qandaraasyada Qaranka Mudane Aadan Cabdillahi Xassan Nugaal  iyo Xoghayaha Wasiirka Madaxtooyadda Sharmaarke Axmed Muxumed ayaa soo gaadhay magaalo madaxda Gobolka Guangzhou ee dalka China.

 

Weftigaas oo ujeedada socdaalkooda  aanu wax ka weydiinay  Mareeyaha  wakaalladda Wadooyinka Somaliland ?RDA ?Prof Xassan Cali Cismaan ayaa  sheegay in socdaalkoodu salka ku hayo  u kuur-gelidda qiimaynta iibka qalabka waddooyinka lagu dhiso oo ay darsayaan.

ayaa uu ku sheegay indho indhayn iyo iibsi iyo Qiimayn  qalabka wadooyinka lagu dhiso ee kala duwan, isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu kale oo uu sheegay in uu

yahay safar taariikhi ah maadama qalab tayo sare leh loo samayn doono hada wixii ka dambeeya Wadooyinka Somaliland , waxaanu xusay in horumarinta jidadku yihiin hal-bowlaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo furaha dhaqaaluhu ku tannaado.isla markaana ka mid tahay balanqaadyadii Xukuumadu gashay.

Gudoomiyaha Gudida  qandaraasyada qaranka Mr Aadan Cabdilaahi Xasan Nugaal ayaa ku sheegay in socdaalkoodani uu yahay mid ahmiyad weyn u leh dalka, maadaama oo ay qiimaynayaan qalab xukuumadda Somaliland ka soo iibsanayso dalka China si ay waddooyinka u casriyeeyaan. Waxaanu sheegay inay qalabkaasi ku doonayaan qiime macquul ah oo ay awoodda dhaqaale ee dalku gaadhi karto.

 

Gudoomiyaha Gudida qandaraasyaddu waxa uu intaas ku daray inay hadda qiimayn iyo indho-indhayn ku sameynayaan shirkado kala duwan oo ay ka doonayaan qalabka ay u baahan yihiin. 

 

Aadan Xasan Nugaal waxa kale oo uu sheegay inay mudada ay joogaan dalkaasi ay doonayaan inay abuuraan xidhiidho kala duwan oo lala sameeyo sharaa?ig gacan ka geysan kara horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, sida  beeraha iyo dhaqaalaha. 

Gudoomiyaha  Gudida qandaraasyaddu waxa uu intaas raaciyay inay  isbarbar-dhig ku samayn doonaan qiimeyaasha shirkaduhu u sheegaan ee la xidhiidha qiimaha qalabka ay u baahan yihiin. Waxaanu sheegay in socdaalo kale ku tagi doonaan waddammo kale mustaqablka dhaw

Weftigan ayaa markii uu ka soo degay madaarka Gobolka Guangzhou lagu soo dhaweeyey  si diiran oo meeqaam sare leh, waxaana madaarka ka qaaday Gawaadhida martidda loogu tallo-galay.

Socdaalka Masuuliyiintan ayaa qeyb ka ah himilladda xukuumadda Somaliland ee la xidhiidha in mustaqbalka dhow la casriyeeyo jidadka dalka isla markaana arrintaasi u tahay ahmiyad weyn oo ay culayska saarayaan.

Wararka  la Xidhiidha Socdaalka waftigan la soco Maalmaha soo Socda:

Wajaale News DESK
CHINA OFFICE
COMMENTS
LINKS