Hay´adda Waddaniga Ah Ee HAVOYOCO Oo Shahaadooyin Guddoonsiisay 29-Haween Ah Oo Bartey Xirfadaha Cunto Karinta Iyo Dawaarka Iyo Weedhihii Munaasibada Laga Jeediyey. DAAWO SAWIRADAN | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hay´adda Waddaniga Ah Ee HAVOYOCO Oo Shahaadooyin Guddoonsiisay 29-Haween Ah Oo Bartey Xirfadaha Cunto Karinta Iyo Dawaarka Iyo Weedhihii Munaasibada Laga Jeediyey. DAAWO SAWIRADAN
August 30, 2013 - Written by editor

Dufcadan oo ahayd,dufcadii 12aad ee ka qalinjabisa mashruuca horumarinta waxbarashada qoyska ee hay?ada HAVOYOCO ayaa waxay ka koobnaayeen 29- Dumar ah, oo 16 ka mid ahi waxay barteen cunnto karinta, halka 13-ka kalena ay barteen dawaarka

Hargeysa(WJN):- Hay´ada Waddaniga ah ee HAVOYOCO ayaa maanta shahaadooyin gudoonsiisay 29-Dumar ah, oo ka qalin-jabiyey Mashruuca horumarinta waxbarashada qoyska, oo ay baranayeen muddo afar bilood ah.

Dufcadan oo ahayd, dufcadii 12aad ee ka qalinjabisa mashruuca horumarinta waxbarashada qoyska ee hay´ada HAVOYOCO ayaa waxay ka koobnaayeen 29- Dumar ah, oo 16 ka mid ahi waxay barteen cunnto karinta, halka 13-ka kalena ay barteen dawaarka.

Munaasibadii loo sameeyey guddoonsiinta shahaadooyinka

oo lagu qabtey Huteelka Crown ee Magaalada Hargeysa,ayaa waxa ka soo qeybgalay,Agaasimaha fulinta hay´adda HAVOYOCO Cumr Sheekh Cabdilaahi, Agaasimaha Waxbarashada dad-ban ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ee Somaliland Md.Xuseen Daarood, Madaxa mashruuca horumarinta qoyska ee hay´ada HAVOCOYO Marwo Kawsar Maxamuud Xasan, madaxda iyo masuuliyiinta hay´ada HAVOYOCO, macalimiin, haween, iyo marti sharaf kale.

Madaxa mashruuca horumarinta  waxbarashada qoyska ee hay?ada HAVOCOYO Marwo Kawsar Maxamuud Xasan
Agaasimaha fullinta ee Hay?adda HAVOYOCO Md. Cumar Sheekh Cabdillaahi
Xafladan guddoonsiinta shahaadooyinka oo mada-sha lagu soo bandhigay cuntooyinkii kala duduwana ee ardeyda lagu tababarey iyo qaabka ardeydu wax u toleen, ayaa ahayd mid dadkii ka soo qeybgalay xaflada ay soo dhaweeyeen, isla markaana ay la dhaceen.     

Madaxa mashruuca horumarinta  waxbarashada qoyska ee hay?ada HAVOCOYO Marwo Kawsar Maxamuud Xasan oo halkaasi ka hadashay ayaa waxay ka warantey waxa uu yahay mashruucan horumarinta qoyska iyo marxaladihii kala duduwana ee uu soo samaray, waxaanay tidhi “Aad ayaad u mahadsan tihiin inaad nagala soo qeybgashaan mashruucan horumarinta waxbarashada qoyska oo waxa maanta ka qalin-jabiyey dufcadii 12aad. Marka la isku geeyo sanadihii hore intii dufacadood tirada ardeyda ka qalin-jabisay waa 837-ardey”.

“Ardeydii hore uga soo qalin-jabisay mashruucan horumarinta waxbarashada qoyska aad ayey uga faa?iideeyeen xirfadihii la barey way ku shaqo tageen, oo way ku shaqeeyaan.Mashruucan la yidhaahdo horumarinta waxbarashada qoyska waxa fikirka la timid hay?ada HAVAYOCO,oo ay ka mid tahay mashaariicda aadka u baalaadhan ee ay ka shaqeyso,Waxa maalgelisay hay?ada Ox form Novib”.Ayey tidhi Marwo Kawsar

Iyada oo hadalkeeda sii wadatana waxay tidhi “Ardeyda maanta ka qalin-jabinaysa waxay ka kooban yihiin 29-Dumar ah,16 ka mid ahi waxay barteen cunto karinta, halka 13-ka kalena ay barteen Dawaarka, Waxa dumarkan loo tababaray goobo ganacsi oo ay suuqa ku leeyihiin,kuwaas oo isugu jira cunto-karin  iyo Dawaarka,Kadib markii aanu tagnay goobahooda oo aanu wareysi la yeelanay waxa halkaasi nooga soo baxay inay dumarkani u baahan yihiin in xirfadahooda kor loogu sii qaado, inkasta oo ay wax ka sii yaqaaneen.Dumarkani  waxa ay leeyihiin Meherado yar yar, waxaanay haystaan Caruur yar yar amaba ay ku kafaallo qaadaan Qoyska oo dhan. Markaa waxay noqotay in goobahoodii loogu furo Waxbarashada amaba aanu dhaqaaluhu u saamaxayn, markaa runtii dedaal badan ayey muujiyeen, waxaan u mahad-celinayaa iyaga (Ardayda), iyo Macalimiintii wax soo baraayey aad iyo aad ayaad u Mahadsan tihiin.

Agaasimaha fullinta ee Hay?adda HAVOYOCO Md. Cumar Sheekh Cabdillaahi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Hay?adda Havoyoco ay wakhti dheer ka shaqeynaysay Barnaamijkan horumarka waxbarashada Qoyska, waxaanu u soo jeediyey Ardayda Xirfadaha kaal duwan baratay inay halkaas dedaalkooda ka sii wataan, isla markaana sarre u qaataan Xirfadahan ay barteen oo aanay intaas kaga hadhin.

“Idinka ku shaqeynaya xirfadan la idin baray inaad hadana wakhti iska jartaan si aad sare ugu qaadaan xirfadiina, taasina waxay wax ka tareysa ganacsiyadiina yar yare e aad gacanta ku heysaan, markaa aad iyo aad ayaan idinku mahad-celinayaa, waxaana la idinka doonayaa dedaalka inaad laban-laabtaan.”Ayuu yidhi Cumar Sheekh.  

Agaasimaha Waxbarashada dad-ban ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ee Somaliland Md.Xuseen Daarood “Marka aynu Xirfadaha ay barteen ee halkan ka muuqda waa wax aad loogu baahan yahay, markaa yaanay ku ekaanin Meherado la sameeyo uune waa in ganacsi balaadhan lagu dayaa oo waxa ii muuqda waxyaabaha Diyaaraha lagu Cuno, waan idin mahad-celinayaa Ardayda, Macalimiinta iyo Hay?adda Havoyoco dedaalkana halkaas ka sii wada.”Ayuu yidhi Agaasimaha waxbarashada dad-ban ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay qaar ka mida ardeydii lagu tababarey xirfadahan Dawaarka iyo cunto karinta, kuwaas oo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin xirfadan la barey ee qaabka casriga ah, waxaanay ku bogaadiyeen hay?ada HAVOYOCO inay ka shaqeyso kobcinta iyo kor u qaadida mashruuca horumarinta waxbarashada qoyska oo bulshadu baahi-weyn u qabto in la balaadhiyo.

Ugu danbeyntiina qaar ka mida ardeyda ayaa waxay macalimiintooda ku maamuseen hadyado kala duwan

WAJAALE NEWS DESK

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS