Guddoomiyaha Kulmiye Oo Soo Dhaweeyay Garaadada Lagu Tolay Saraakiisha Ciidamadda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Kulmiye Oo Soo Dhaweeyay Garaadada Lagu Tolay Saraakiisha Ciidamadda
August 12, 2013 - Written by editor

Waxa uu intaasi ku daray in guddida Bixinta Darajadda looga baahan yahay in ay xal waara ka gaadhaan tabashooyinka ka soo baxa darajadda.

Hargeysa (WJN) – Guddoomiyaha Xisbiga Taladda Dalka Haya Ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyay Darajadda lagu taxay Ciidamadda Somaliland.

 Mujaahid Muuse Biixi Cabdi waxa uu carrabka ku dhuftay in guddida bixinta Darajadda looga baahan yahay in ay dhameeyaan tabashooyinka ka soo baxa bixinta darajadaasi.

Sidaasna waxa uu ku sheegay Warsaxaafadeed
Kooban oo uu soo saaray, waxaanu ku yidhi sidan.

?Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye oo ku hadlaya magaca golaha dhexe, gudida fulinta, xubnaha iyo taageeryaasha xisbiga kulmiye waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxweynaha JSL, Ciidammadda Qaranka iyo gudidii loo xilsaaray qiimaynta darajooyinka.

 

Xisbiga Kulmiye waxa uu u arkaa  in bixinta derejada ciidamadu ay tahay talaabo loo qaaday xagga horumarka, taas oo ka mid ahayd balanqaadadii xisbiga ee xiliga doorashada oo fulay.

 

Waxa uu intaasi ku daray in guddida Bixinta Darajadda looga baahan yahay in ay xal waara ka gaadhaan tabashooyinka ka soo baxa darajadda.

WAJAALE NEWS DESK

WAJAALE NEWS OFFICE HARGEISA

COMMENTS
LINKS