Golaha Wadatashiga Iyo Toosinta Qaranka Oo Magacoodii Xukuumadda Falaadha Ku Noqday Oo Ugana Guuray (Akhriso warbixin aad idiinka diyaarinay) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Golaha Wadatashiga Iyo Toosinta Qaranka Oo Magacoodii Xukuumadda Falaadha Ku Noqday Oo Ugana Guuray (Akhriso warbixin aad idiinka diyaarinay)
August 19, 2013 - Written by Wariye:

Distuuriga ahi waa kuwa distoorku jideeyay waxaana ka mid ah: Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada, Golaha Xukuumada

Hargeysa (Wajaale News) – Golihii Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka ee Hargeysa lagaga dhawaaqay bishii hore Horaanteedii ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay bedeleen Magacoodii hore, lana baxay Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka.
Shir jaraa?id oo ay Hargeysa ku qabteen ayaa wax ay ku sheegeen in iyaga oo eegaya danta guud ee qaranka ay golaheedii u bedeleen Madasha.

Sidoo kale waxa ay wax lala yaabo ku tilmaameen in Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka oo ka dhashay ka dib markii ay arkeen mad-madaw badan oo dul hoganaya xukuumadda la dhibsado isla markaana ay xukuumaddu u adeegsado warbaahinta ka amar qaaata iyo dad ay lacago ku maal geliyeen.
Waxaanay yidhaahdeen Maanta oo ah maalin Isniin ah bishuna tahay 19 august 2013, waxa GOLAHA WADDATASHIGA IYO TOOSINTA QARANKU ku dhawaaqayaan qodobadan soo socda:-
Ugu horayn waxaynu dareensanay hadii aynu nahay ummada reer Somaliland in dawlada iyo xukumada madaxweyne Ahmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay waxbadan isku mashquulisay sharcinimada erayga GOLE, oo ay in ka badan intii uu mudnaa eray soomaali ahi ay galiyeen, wakhti badan iyo tamar badanina ay ku luntay.
Sidaas oo ay tahay waxaanu u sheegaynaa ummada reer soomaaliland in erayga GOLE yahay eray ka da?weyn dawladnimada, waana eray dhaqan oo magacyo badan lala isticmaalo. Tusaale ahaan : GOLE dhaqameed, GOLE culimo, GOLE ciyaareed I.W.M. waana eray caam ah oo hadba erayada ka danbeeya ayaa iftiimiya macnaha iyo ujeedada uu u taagan yahay.
Waxaynu dareensanahay in xukumadu inbadan ku celcelisay GOLE Distuuri ah , GOLE Distuuri ah ,waxaanu leenahay Golayaasha Distuuriga ahi waa kuwa distoorku jideeyay waxaana ka mid ah: Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada, Golaha Xukuumada, iyo Golayaasha Deegaanka.
Golayaashani waxay ku sifaysan yihiin golayaasha Distuuriga ah, waxaanay taasi tusaysaa inay ka duwan yihiin golayaasha kale ee dhaqameed ama bulsheed.
Hadaba anagu lamaanu bixin gole Distuuri ah ee waxaanu la baxnay gole wadatashi iyo toosineed , waana magac sheegaya in lawada tashado oo lays toosiyo, ujeedada aanu ula baxnayna waxay ahayd in laysku yimaado oo laga wada tashado danta dalka iyo ummada oo ah wax lawada leeyahay.
Sidaas oo ay tahay may haboonayn in eray wakhti badan lagu lumiyo, waxaanuna doonaynaa inaan wakhti danbe lagu lumin magac, balse laga wadatashado danta dalka iyo dadka .
Si aan halkaa uga gudubno waxaanu ka guurnay magacii hore waxaanuna u guurnay magacan kale ee ah ? MADDASHA WADATASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA?.
Madasha wadatashiga iyo toosinta qaranku waxay diyaar u tahay wadatashi iyo toosin si loo maareeyo xaalada dalka oo meelo badan ka cakiran, waxaanay diyaar u tahay inay la xaajooto cidkasta oo danaynaysa ka wadatashiga danta qaranka , ha noqoto goloyaasha guurtida iyo baarlamaanka, aqoonyahanka, waxgaradka iyo oday-dhaqameedka, haweenka iyo dhalinyarada iyo bulshada guud ahaanba.
Hadii hadaba ay xukumadu diido ama ka cago-jiido in lawada tashado oo laga tashado danta iyo jiritaanka dadka iyo dalka, wuu soconayaa wadatashigu xukumadana loo garba duubnaanmaayo.
Guntii iyo gabogabadii wadatashiga iyo toosintu waa wax bulshada reer soomaaliland ku soo caanomaashay waana wax distoorkeena iyo diinteena islaamkaba ku banana

Wajaale News
Hargaisa/Somaliland
Wariye: Cabdiqadir Cabdiraxmaan Habane

COMMENTS
LINKS