Fariin Wasiir Warancade u diray Beelihii dirirtu ku dhexmartay degaanka God-heeli | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fariin Wasiir Warancade u diray Beelihii dirirtu ku dhexmartay degaanka God-heeli
August 24, 2013 - Written by editor

Fariin Wasiir Warancade u diray Beelihii dirirtu ku dhexmartay degaanka God-heeli

Gar-adag-(Wajaale-news)- Wefti uu hogaaminaayo Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed  Warancade,xubnana ka yihiin wasiirka duulista Maxamuud Xaashi,wasiiru dawlaha maaliyada Cadaani saxardiid iyo Taliyayaasha labada ciidan ee Booliiska iyo Milateriga Somaliland oo kormeer ku tegay  goobihii ama degaanadii doraad shaqaaqadu ku dhexmartay labada beelood ee (Sacad Yoonis iyo Biciido) ayaa warbaahinta u mariyey fariin digniina dadka degaankaas dirirtu dhexmartay iyagoo ku sugnaa God-heeli.

calmxahi

 

 

Wasiir Warancade ayaa ku goodiyey in Maanta laga bilaabo nooc kasta oo hub ah  aan lagu dhex qaadan Karin ama lagu dhex wadan Karin degaankaa dirirtu ku dhexmartay labada beelood,wuxuuna wasiir Warancade intaas ku daray in ciidamadu talaabo adag ka qaadaan cidii fulin weyda amarkaas.

Geesta kale wasiirka duullista Maxamuud Xaashi cabdi oo isna halkaas ka hadlay ayaa ku hanjabay inaan xukumada Siilanyo cidna marti uga ahayn Nabadgelyada balse talaabo adag ka qaadi doonto cidii ay u arkaan inay wax u dhimayso inkastoo aanu daaha ka feydin nooca talaabada u qorshaynsan inay qaadaan haddiiba ilaahay kuma keenee nabadgelyadu faraha ka baxdo.

 

 

WAJAALENEWS DESK

CONTACT US ; Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS