Fanaanada Khadro Daahir Cige, Abwaan Cabdi Qays iyo Fanaaniin badan oo reer Somaliland ah Ayaa kusugan Magalada Jigjiga? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fanaanada Khadro Daahir Cige, Abwaan Cabdi Qays iyo Fanaaniin badan oo reer Somaliland ah Ayaa kusugan Magalada Jigjiga?
August 21, 2013 - Written by editor

igjiga-(WJN)-Fanaanada Caanka ah Khadro Daahir Cige oo ka mid ahaan jirtay Hoboladii Waabari kana mid aha Fanaaniin iyo Abwaano ka tagay Hargeysa oo Gaaray Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida

Jigjiga-(WJN)-Fanaanada Caanka ah Khadro Daahir Cige oo ka mid ahaan jirtay Hoboladii Waabari kana mid aha Fanaaniin iyo Abwaano ka tagay Hargeysa oo Gaaray Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegtay inay si weyn ugu Faraxsan tahay Horumarka iyo Nabada Wanaagsan e eka muuqata Magaalada Jigjiga,waxana ay sheegtay in Jigjiga ay u yimaadeen u kuurgalida Xaalada Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo sidii ay ugu qaban lahayeen Bandhig faneed fanaaniinta ka Timid Hargyes aoo isgau jira Abwaano iyo wlaiba Fanaaniin.

 

Khadro Daahir Cide waxa ay ka mahad

celisay soo dhaweyntii diiraneyd ee loogu soo dhaweeyay Fanaaniinta ka socotay Hargeysa Magaalada Jigjiga iyadoo xustay in Jigjiga ay noqon doonto Hoy ay ku soo hiran doonaan Fanaaniintu.

  

 Wafdiga Fanaaniinta ee ka yimid Hargeysa waxaa ka mid ahaa Abweaanka Caanka ah Cabdi Aadan Xaad ? Cabdi qeys? waxana la filayaa Maalmaha soo socda inay jigjiga ku qabtaan Bandhig faneed si heer sare ah loo soo agaasimay.

 

Masuuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa wafdigaan u sameeyay Xaflada Qado sharaf ah oo ka dhacday Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida e eItoobiya ee Magaalada Jigjiga.

 

Magaalada Jigjiga aya dhawaan waxaa ka dhici doona Tartanka dhaantada iyo Hidaha Gobolada Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo sidoo kale Koobka Kubada Cagta ee Gobolada Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Kaasoo ay horay ugu Guuleysten Sanadkii ugu Dambeeyay Xulka Gobollka Qoraxeey

 

Waxaa Diyaariyay.

 Axmed Maxamed Cabdulle?Uurdoox?

 Uurdoox2013@gmail.com

COMMENTS
LINKS